Jimce.12.oct.2012..Mogdisho (Waxsansheegnews) Hadal Murtiyeed Ka Soo Baxay  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arimo fara badan oo quseeya sidii wax looga qaban lahaa mashaakilka soo jiitamayay ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in Beesha caalamku ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato arimaha Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu umadda soomaaliyeed ugu baaqay in ka faaiidaystaan fursadda qaaliga ee  ah in Beesha Caalamku ay haatan u heelan tahay in xal loo helo mashaakilka soo jiitamaya ee Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha oo dhawaan ka soo laabtay waddanka Uganda ayaa waxaa munaasabaddii uu ka qaybgalay uu kula kulmay Madax sar-sare oo ka socota Beesha caalamka, kuwaasoo dhammaantood u muujiyay in ay soomaaliya la garab istaagi doonaan taageero hiil iyo hooba ah.

 

 

Hadaba si looga faa,iidaysto fursaddaan qaaliga ah, ayuu madaxweynuhu waxaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ay kala shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa haykalkii ama hanaankii Dawliga ahaa ee ay kal hore Soomaaliya lahayd, kaasoo sida loo soo celin karo mar walba ku xiran hadba sida ay Shacab weynaha Soomaaliyeed gacan oga geystaan.

 

Mogdisho Waxsansheegnews