wasiirka macdanta somaliland oo noqday shakhsigii ugu horeeyey ee xukumada ka tirsan ee meel kaga dhacay mid ka mid ah beelaha ugu faca wayn ee dega gobolada togdheer iyo saaxil
wasiirku waxa uu ka bilabay qaar ka mid ah gobolada bariga hawlo shidaal sahamin waxaana laga filayay inuu si dhex ah ugu qaybiyo beelaha dega dalka oo dhan waxaanu kulamo uu la yeeshay beelaha gobolka togdheer uu si cad ah oo aan gabasho lahayn uga saaray beesha degta degmoyinka balidhiig dhoqoshay iyo xagal isagoo ku yidhi hadal ay aad uga xumadeen odayasha iyo cuqasha waxanu si cad ugu sheegay inanay beeshani ahayn muwadiniin isla markaana ay degaan itobiya
beeshan wuu wasiirku sida qalafsan ula hadlay ayaa ahayd beeshii ugu horaysay ee halgan hubaysan kala hor timaada dawladii faqash ee maxamed siyaad bare sanadkii 1983
hadaba haduu wasiirku sidaa ku adkaysto waxay sababaysaa kacdoon shacab oo aynaan wakhtigan u baahnayn
mana dhacayso mana aha wax la aqbali karo in inay sidan uu wasiirku wax u wado
somalidu waxay ku maahmaahdaa biyaha aan horaantooda arko dabadoodu waa huubo
markaa yadoo aan weli shiidaal la soo saarin ayaa waxa muuqata cadalad daro aad u xun markaa maxay noqonaysaa hadii aynu lasoo baxno

Image result for wasiirka macdanta somaliland