Waxsansheeg News -_Burco )-Dhakhaatiirta caalamka ayaa aqoonsaday in timirtu tahay cuntada koowaad ee ka hortagta amma la dagaallanta wadne-xannuunka, dhiig-karka, faalliga iyo subagawga (cholesterol), iyadoo daraasado kala duwan oo khubarada nafaqada iyo cuntadu ku sameeyeen ku ogaadeen inay kooban tahay waxyaabo badan oo caafimaadka u fiican iyo qaar ka hortaga caafimaad-darrada amma xannuuno kala duwan Haddaba, sababaha timirtu u tahay dawo, cafimaadkana ugu fiican tahay waxa ay yihiin:


Waxa ku badan macdanta birta (Iron) Timirtu waxa ay ka kooban tahay xaddi badan oo macdanta Iron-ta amma birta loo yaqaan, taasoo faa’iido u leh dadka dhiig la’aantu ku dhacdo (Anemia), gaar ahaan carruurta iyo dumarka uurka leh. Waxa ku filan qofka inuu maalintii cuno 100 gram oo timir ah oo guud ahaan ka kooban 0.9 mg oo Iron ah. Waxa ay noqonaysaa 11% xaddiga looga baahan yahay in maalin kasta qofku Iron helo. Macdanta birta ee Iron waxa ay faa’iido u leedahay unugyada cascas ee dhiigga iyo hemoglobin oo badanaa taageerta in hawada ogsojiintu si fiican ugu dhex safarto amma u raacdo dhiigga  Waxay ka hortagtaa shubanka:
Sidoo kale, timirta waxa ku jira macdanta Bostaasiyam (Potassium) oo ah macdan aad u muhiim u ah oo ka hortagta in qofku shubmo, gaar ahaan waxay ilaalisaa mindhicirraha iyo caloosha in cillad ku timaad, iyadoo carisa bakteeriyada ku jirta uur-ku-jirta si aan ruuxu u shubmin  Waxay dawo ka tahay calool-istaagga (constipation):
Timirtu waxa kaloo ay leedahay macdano qofka ka ilaaliya in calooshu istaago, waxaanay hab-dhiska qashin-saarka (digestion System) ka caawisaa in cuntada si fiican loo qashin saaro, iyadoo sidoo kalena shubanka dawo ka ah. Inta badan waa sababta qofka loogula taliyo inuu biyo iyo timir habeenkii isku cuno amma inta uu shiito cabo subaxnimada si hab-dhiska dheef-shiidka u xooggaysto. Waxa ay keentaa in qofku si fiican isaga saaro qashinka jidhka ku jira Timirtu waxay xakamaysaa miisaanka jidhka Haddii aad doonayso inaad ka hortagto baruur badan oo jidhkaaga fuusha waa inaad cuntaa timir, gaar ahaan waqti aad gaajoonayso. Waxa ay si caadi ah u xakamaynaysaa miisaanka jidhkaaga, maadaama ay ka hortagayso subagawga (cholesterol). Waxa digniin ah in aanad isku badin timirta, maadaama ay sonkor badan ku jirto, gaar ahaan haddii macaan qofku leeyahay.
Waxa ay ka hortagta subagawga (Cholesterol) Timirtu waxa ay faa’iido u leedahay in ay jidhka ka ilaaliso waxyaabaha aan caafimaadka u wanaagsanayn, sida duxda badan ee sababta subagawga amma beer-subaga (Cholesterol), sababtoo ah waxa ay sifaysaa dhuummaha dhiigga, iyadoo ka hortagta in dhiig xinjiroobo oo gufeeyo dhuumahaas.
Waxa ay xoojisaa wadnaha Habeenkii haddii qofku timir cuno, isla markaana marka uu subax kasta soo tooso cuno waxa ay awood u yeeshaa wadnihiisu inuu si fiican u shaqeeyo oo uu qabto shaqadii looga baahnaa. Waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga Dadka inta badan uu ku dhaco xannuunka dhiig-karku (Hypertension) waa in ay cunaan timir aad u badan, sababtoo ah waxa ku badan macdanta Botaasiyamta (Potassium), mana laha macdanta Soodhiyamta (Sodium). Shan ilaa lix xabbo oo timir ah waxa ay ka koban tahay 80 mg oo macdanta Magniisiyam (Magnesium) oo ah macdan muhim ah oo ku fidda dhuumaha dhiigga, kana qaybqaatada in dhiiggu si fiican jidhka u gaadho. Ku dhawaad 370 mg oo Magniisiyam ah waxa ay faa’iido u leedahay in ay hoos-u-dhigto xawliga dhiigga si aan qofka dhiig-karku ugu dhicin.
Timirtu waxay ka hortagtaa Faaliga Sida aan hore u sheegnay timirta waxa ku badan macdanta Botaasiyamta (Potassium), taasoo muhiim u ah hab-dhiska neerfisiyada, taasina waxay keentaa in aan qofka faalig ku dhicin haddii uu timirta cunisteeda la qabatimo. Haddii qofku 400mg oo macdanta Botaasiyamta ah quuto maalin kasta waxa farxad u ah in aannu ka welwelin in faaligu (Stroke) ku dhufto, Ilaahay idamkiisa.
Nebi Muxamed (NNKHA) waxa uu aad u jeclaa cunista timirta, asaxaabtiisana uu ula dardaarmi jiray. Sidoo kale, waxa uu ku afuri jiray timirta xilliyada uu sooman yahay, isagoo muujin jiray caafimaadka ay leedahay iyo barakada timirta, mana aha wax hadda dhakhaatiirtu daaha ka qaadeen ee waa wax Nebigeennii suubanaa Muslimiinta kula talin jiray in ay caadaystaan cunista timirta

Wariye Idiris Maxamed Dabshid