Sagal soo indha-kuushiyo
· Man ugbaadku tallaaliyo
· Waqal soo onkodaayiyo
· Ashkirow faraskii iyo
· Aydin beel ku carrowdiyo
· Ugaas geed ku shiraayiyo
· Aroos baal laga taagey
· Sitiyaal la afsaariyo
· Indha-daalis la moodyey
· Ma ifkaad ku dhaqnayd?
· Uma baahnid ammaan
· Iyo iidheh midkoodna
· Ilaah baa ku dhammeeyoo
· Idiley dhabankaaga
· Meerayaasha iftiimiyo
· Dayaxaa ashqaraaroo
· Idilkood ku majeertee
· Allow yaanay ku cawryin.
· Oogadaadu xariir iyo
· Qurux aadmi sameeyiyo
· Uma baahnid Kiriimoo
· Ugubey bilicdaada
· Xiddigaha olkomaayiyo
· Qorraxdaa anfariirtoo
· Idilkood ku majeertee
· Allow yaanay ku cawryin.
· Ammin-khayrka salaadda
· Adoo Iid tukanaaya
· Markaad uunka salaantay
· Ubax meel fog ku yaalliyo
· Haldhaa toosay arooriyo
· Daa’uus baad u ekayde
· Afkuleeble kuhaaniyo
· Asaaggaa kuma cawryo.
· Hidde waa ku arooroo
· Asli waa la toydaaye
· Hooyadaa Indha-deeq
· Afar baad la wadaagtay:
· Aaddaney quruxdaada
· Anshaxaaga wanaagsan
· Aqalkiina dhexjoogga
· Iyo waalid addeeca.
· Egenkaad ku dhaqnaydiyo
· Irdahaad ku barbaartiyo
· Aabbahaaga wanaagsan baa
· Dadka qaar og yihiinoo
· Geyaankaa agahaagu
· Way ku eeganayaanoo
· Ergey soo dirsadeene
· Yaan afkaagu ku ciilin.
· Oosha taalla galbeedkiyo
· Bari baa ku addeecoo
· Ereygaaga quweeyoo
· Balqiisey anshigaaga
· Istanbuul gudaheediyo
· Suldaan Ruun irdihiisiyo
· Orobbaa laga naadshoo
· Arrinkaagi fogaa.
· Rag ninkii ku arkaana
· Cishqi buu la ilmeeyoo
· Xuural-cayntu adduunka
· Haddii ay iman layna
· Adigay noqon leydoo
· Uumiyaha badda joogiyo
· Kuwa ayda ku nool baa
· Abidkaa ku bogaadsha.
· Guurna waa istareexoo
· Janno weeye adduuniyo
· Ibo xoor laga maaliyo
· Aqal weeye dugsoone
· Wiilkii aad ulanaysee
· Uurka aad ka jeclaydee
· Waajibkii ka adkaadiyo
· Ala-koodshe ha waayin.
· Ayaankaa ma xumaadoo
· Udubkaagu ma liicoo
· Degelkaa ma abaadoo
· Dadku kaama irdhooboo
· Naftu kaama aguugtoo
· Ubadkaa ubadkiisa
· Wada goosta ardaayo.
Dhammaad