Xaalad Biyo la’aaneed oo aad u khatar badan ayaa ka taagan deegaanadda Koonfurta iyo Barigga Hargaysa iyadoo Roobabkii Dayrtu aanay helin deeganadaas oo ah Dhul Hawd ah oo aan lahayn Dooxyo iyo Ceelal Dhaadheer oo riigag ah oo la isku halayn karro .

Xiligga Biyo la’aantani bilaabantay oo ah Bishii labaad ee sanadka ayaana sii kordhinasa khatarta jirta maadaama Roobabka Guga la filan karro Bisha Afraad ee sanadka .

Dhulka Biyo la’aantu ku hubsatay ee Durba gadhi gaadhi saarku ka bilaabmay ayaana ah duleedka magaaladda Hargaysa ilaa Xuduudka Itoobiya , sidaa darteed waxaan tallo ahaan iyo qaylo dhaan kusoo jeedinayaa .

1- In Xukuumaddu samayso qaylo dhaan degdega ah oo Biyo la’aaneed iyo gudiyo ka hawl-gala .2- In gurmad sahan iyo qiimayn ah loo diro deegaanada biyo laantu ku habsatay .3- In shacab iyo dawladba loo diyaar garoobo duruufaha Biyo la aanta oo sii xumaan karra