Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa hadda shir uga furmay madaxtooyada. Waxa la filayaa in ay maanta ku dhawaaqaan heshiis rasmiya oo laga gaadhay khilaafkii guddida Doorashooyinka. Wefdi ka socda midowga Yurub oo dhexdhexaadinayay labada dhinac ayaa iyaguna kulanka qayb ka ah. Warar hordhaca ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in guddidan hadda jooga ee Doorashooyinka ay qabtaan doorashada iyadoo kuwii horena farsamo ahaan loogu xoojinayo.