Wararka hadda soo gaadhaya Xafiiska Wararka ee Wargeyska Foore ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Somaliland ay goor dhawayd Xabsiga u taxaabeen Agaasimihii Tv-ga Universal ee Somaliland Maxamed Caabi Digaale.

Sidaas waxa noo xaqiijiyay Qaarka tirsan Hawl wadeenadda Xarunta Tv-gu ku leeyahay Magaaladda Hargeysa.

Wararkan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliisku ka dhex ka xaysteen Agaasimaha xafiiska Xarunta Tv-ga ee Magaaladda Hargeysa wakhti uu ku guda jiray Hawl qabadkiisa shaqo.

Lama sheegin sababta loo xidhay ama ujeedada ka dambaysa Xadhigiisa.