Khamiis 18 .Oct .2012 Hargeysa (Waxsansheegnews) Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa ka xogwaramay amaanka dalka, hawlgalada baadhitaan ee ay muddooyinkan dambe saqada dhexe sameeyaan ciidamada Boolisku iyo arrimo kale.

Wasiirka arimaha gudahu waxa uu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu ugu danbayntii waraysigan kaga hadlay eedaha musuqmaasuq ee ay xukuumadda uu ka tirsanyahay mucaaradku u jeediyaan, waxaanu ku dooday in xukuumada haatan ay tahay tii ugu musuqa yarayd ee Somaliland soo marta, isla markaasna u dhaqaajisay dalka dhanka wanaagsan.

Sida oo kale waxa uu wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale waraysigan kaga hadlay arimo la xidhiidha wasaaradiisa, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan.

Ugu horayn wasiir Duur waxaad war-bixin kooban naga sii’saa amaanka guud ee dalka?

Waxaan qabaa guud ahan dalku waa nabad, cid walibana waa ay ka war haysaa in xaalada guud ee dalku ay degantahay oo ay nabadgalyo ku jirto, waxaanan qabaa in ay halkii ugu fiicnayd maanta marayso nabadgalyada dalku.

Ma jirto xaalad guud ahaan dalka ka taagan, dhammaan hawlahii dhacayna waxay ku dhamaadeen si nabadgalyo ah, waana dal oo waa in maalinba maalinta ka danbaysa la sii dhiso amniga oo la kordhiyo hay’adaha amniga, mana dhamaanayso in amni la dhiso, waxay lamid tahay dhismaha dalka oo kale, nabadgalayda qarankanina waxay ku dhisantahay dhismaha hay’adaha amniga ee dalkan ka hawlgala, markaas qabyada hay’adaha amniga ka jirta waa wax u baahan in subax kasta aynu xabad laban ah saarno, si nabadgalyadu ay u noqoto mid cagaheeda ku taagan. Markaas marka aan soo ururiyo guud ahaan jawi wanaagsasn oo degan ayaa dhamaan dalka oo dhan lagaga jiraa, dhismahaasina mid dhamaanaya maaha oo waynu wadaynaa, xaalad taagana maanta ma jirto.

Mudane wasiir waxa jiray hawlgalo ciidamada boolisku ay habeenkii saqda dhaxe fuliyaan kuwaas oo dalka muddooyinkii danbe ku soo kordhay, cabasho xoogana ay shacabku ay ka muujiyeen, maxay salka ku hayaan hawlgaladaasu?

Hawlgalada boolisku waa adeega sugida amniga ee yaanay wax cabsiya shacsbku ka qaadin, booliskuna waa mid dadka uun ka yimi oo dadka nabadgalyadiisa uun ilaalinaaya, ciidamada booliskuna waa ay ka duwan yahiin ciidamada kale oo dhan oo waa inay noqdaan kuwo shacabka ka yimid kuna dhex shaqaynaaya, markaas hawlaha booliska ee nabadgalyo sugida ayuunbay kamid yahiin hawlgaladan.

Waxa kale duwan qaabka iyo wakhtiga, waxa cusubina waa nooca hawlgalka ee la qabanaayo oo ka duwan, matalan askarigu haddii qof wax xaday uu qabnaayo waxa jirta qaab loo qabanaayo, markaas hal qodab ayaa maanta inugu soo kordhay oo loo baahan yahay dadkuna inay ogaadaan, hawlgalada cabsida huwan ee ku lug leh argagaxisada waxay yeelanayaan ciidanku qaabkii ay u qabanayeen taxadirkoodii iyo tababarkodii, markaas runtii waxa jira in aan markii hore ciidan ku tababaran aanay jirin, laakiin mudadii aan xilka hayay waxa la tabobaray ciidamo u gaar ah hawlgalada cabsida huwan inay ka hawlgalaan oo la yidhaahdo RRU, markaas ciidankaasu waa kuwo qaba tababaro gaar ah, waxaanay qabtaa hawlgal gaar ah, markaas waxyaabaha ay dadku iswaydiinayaan waa taas ayuun baan filayaa, waxaanan leeyahay dadku haw dulqaataan.

Tababarkana waa baahi ka timid ciidanka booliska oo waxa hore u dhacday in ciidanka boolisku ay hawlgalo sidii loo baahnaa u gali kari waayeen oo intay albaabkii garaaceen oo ay yidhaahdeen waa booliskiiye fur oo dabadeedna la dilay ama intay qof kaxeeyeen uu iyagii laayay, ciidamadana waa kuwo hawlahaas u tabobaran.

Dunidu waxay kula dagaalmaysaa koonfurta Somaliya kooxaha Al-shabaab muddooyinkii u danbeeyay, magaalooyinkii ay xukumayeen in badan oo kamid ahna waa laga saaray, hawlgaladan aad habeenkii samaysaan ma laga yaaba inay yahiin kuwo aad ku baadhaysaan xubno ka soo firxaday ururkaas?

Waa cabsi ka jirta dunida oo dhan, mana jirto meel xor ka ah dunida cabsida la dagaalanka argagaxisada, markaas cid waliba taxadirkeed ayay leedahay, inaguna Somaliya waxaynu nahay cida ugu dhaw ee la dariska ah ee isku dadka ah iskuna gudbi karaan, markaas iyada laftigeeda taxadirkeeda ayaynu ka leenahay iyo soo jeedkeeda ayaynu, waxaanayanu iska eegayna in ka baraarug badan inta dunida kale ay iska eegayso.

Mudane wasiir haddaynu u soo noqono dhanka wasaaradan arimaha gudaha, wasaaradu waxay ka shaqaysaa amniga dalka, dhawaana waxa wasaaradan loo soo magacaabay wasiir ku xigeen dhanka amniga ah, ma waxa jirtay baahi keentay in wasiir ku xigeen dhanka amniga ah loo soo magacaabo wasaarada?

Runtii anaga codsi naga tagay wasaarad ahaan may ahayn, laakiin waxay ahayd uun in la tiiriyo wasaarada oo la dhiso, waxaanay ahayd niyad wanaag uu madaxweynuhu ku dhisaayo wasaarada, waana shaqo balaadhan shaqda wasaaradu oo ciddii wax ka taraysaba ay ka tari karto, markaas waxaan qabaa inay tahay taageero,talo iyo tamar soo korodhay waanan soo dhawaynay oo aad baanu ugu faraxnay.

Ka wasiir ahaan xilkan wasaarada arrimha gudaha imika muddo sanad ka badan ayaad haysay, ugu horayntiina arimo culculus oo dhanka amaanka ah oo ku soo waajahay baa jiray, hawlgalkee baad ku qiimayn kartaa inuu ahaa kii kuugu adkaa?

Waxaan la kowsaday magacaabistaydii dhibaatooyin badan oo beelo dhexmaray, gaar ahaan labada daraf, Sanaag iyo deegaanka u dhexeeya Gabiilay iyo Awdal, waxaan xusi karaa habeenkaan soo dhameeyay shaqaaqadii Ceerigaabo oo aan soo galay Hargaysa subaxii ayaa lay toosiyay oo lay sheegay in saddex qof lagu dilay deegaankaas Seemaal, markaas runtii xalka iyo qaabka hawshii hore iigu soo fushay aniga oo guul sita oo shaqaaqadii ceerigaabo soo dhammeeyay, waxa kadiso igu noqotay inay mid kale oo ka khatar badan oo soo jiitamaysay ay dhacday.

May dhammaan arintii dhankan Seemaal wali oo maanu gaadhsiin heer wada hadal, laakiin iyada laftigeeda waxaanu ka rajaynaynaa inan wada hadal gaadhsiino, runtii waa hawl adag wasaarada arimaha gudahu, laakiin Alle ayaa mahadleh oo waa uu ii fududeeyay, dhammaan waxyaabahii ila kulmayna waxay ku dhamaadeen si wanaagsan oo maanta cabsi ma qabo.

Ugu danbayntii waxaan ku su’aali lahayn waxaad kamid ahayd xildhibanadii ugu mucaaradsanaa xukuumadii Daahir Rayaale, waxaad in badan xukuumadaas ku dhaliili jirteen musuqmaasuq, maanta oo aad xilalkii dalka gacanta ku haysaan, heerkee ayuu marayaa musuqu ?

Hawshaas mucaaradka haddii ay maanta dad hayaan iyaga ayaynu minqiyaaska u daynaynaa, laakiin anigu waxana qabaa fikirkayga gaarka ah dadaal badan oo waxqabad ayaa jira, da’daalkuna waxa uu la da’yahay awooda dhaqaale ee xukuumada, markaas xukuumada dhaqaale badan oo soo galay ma jiro, dhaqaalahii dalka yaalay ee ahaa mid inaga soo gala cashuurta in wax lagu qabtay ayaan anigu aaminsanahay.

Musuquna waa wax xun oo aan loo baahnayn, laakiin aduunyada ma jirto meel boqolkiiba boqol ka fayaw, waxaanan qabaa inay xukuumadan tahay tii ugu musuqa yarayd,uguna da’daalka badnayad intii Somaliland, waana shaki la’aan aynu u baahanahay in la cadeeyo, qof kasta oo wasiir ah waxa uu ku da’daalayaa in uu taariikh ka tago manay oolin, xataa xafiisyada gudahoodu may qurux badnayn( Markii hore ), markaas da’daal wax qabad ayaa jira, la dagaalan musuqmaasuq ayaa jira, waxaas oo dhan adduunyada boqolkiiba boqol meel gaadha ma jirto, laakiin da’daal wanaagsan ayaa jira, waxaanaynu eegaynaa geedigu ma dhanka xun ayuu u socdaa mise dhanka wanaagsan, waxaan qabaa inuu dhanka wanaagsan u socdo.

Hargeysa Waxsansheegnews

Source Geeska Afrika