Janadu Waa Bilaash—-Cadaabtuna Waa Lacag Qaaliya—Tusaale—-Daroogadu Waa Qaali Heesahu Waa Qaali Khamrigu Waa Qaali Tumashadu Waa Qaali Filmada Xun Xun Iyo Fusuqu Waa Qaali

ILBAXANIMADA XADAARAD ADUUNKA WAA QOFKA ALLE KA CABSADA CAQIIDADA IYO DIINTANA BARATA KUNA DADAALA FAAFINTEEDA KU DHAQANKEEDA ILAAHAY HAYAGA DHIGO AAMIN.

 

JANADU WAA BILAASH

MASAAJIDADA Way Furanyihiin Waa Bilaash Waanad Qaboobaysa Markaad Cagta Soo Galiso

Quraanku Waa Bilaash Markaad Akhrido Waad Ku Caafimaadaysa Taqwo Ayaa Ku Galaysa Naxariis Ilaahay Ajar Badan Ayaa Lagu Qorayaa Waana Daawo Lagu Caafimaado Xoog Ilaa Xiniiyaha Kaa Gala Ayaad Ka Helaysaa Waa HADALADII ILAAHAY SWT

Tafsiirku Waa Bilaash Ama Live U Baro Ama Tv Ama Video Waa Bilaash

Muxaadarooyinka Khayrka Dacwada Ducooyinka Adkaarta Barashadooda Iyo Akhriskooduba Waa Bilaash Maansha Allah

Kalmadaha Wanaagsan Waanada Talooyinka Khayrka Hal Kalmo Aad Qof Ku Tidhaa Janada Ayaa Laga Yaaba Inaad Ku Gasho Maansha Allah Waana Deeqo Ilaahay Ina Siiyay Hadaynu Garano Kuna Camal Falno.

Caqiidada Cibaadada Cilmiga Diinta Islaamka Waa Bilaasha Waxaana Hadaad Barato Aad Noqonyasa Qof La Ixtiraamo Oo Karaamaysan Oo Sharaf Iyo Magac Iyo Maamuus Ilaahay Gaara Siiyo SWT

Bal Hadaba GUULAHAAS Ilaahay Inagu Galaday Miyay Tahay Inaynu Dayacno Maya.

Iyadoo Dadka Qaarkood Iblays Shaydaan Tusaayo Casrul Jaahil Heeso Fusuq Faasiq Cunista Xaaraanta Oo Hada dadbadani Xalaashaden Beenta Oo L Xalaashaday Tumashada Isgoo Helaaya Xalaal Dumarkiina Meel Walba Ilaahay Dhigay.

CADAABTU QAALIGA AYAABAY KAGA SIDARATAY

Daroogadu Waa Qaali

Heesahu Waa Qaali

Khamrigu Waa Qaali

Tumashadu Waa Qaali

Filmada Xun Xun Iyo Fusuqu Waa Qaali

Naagaha xaaraanta Ahi Waa Qaali

Dharka Xun Xun Ee Jeex Jeexani Waa Qaali

Waxyaabaha Laysku Fidmeeyo Kilaabada IWM Waa Qaali Shaneemooyinka

Talaabo Kasta Oo Shaydaanku Ku Jiraa Waa Qaali Waana Cadabtii

Adiga o Helaaya Sharaf Magac Maamuus Oo Ilaahay Dartiis Waxaad Uga Tagto Ilaahay Kuugu Badalaayo Khar Arsaaq Waasaca badhaadhe Bash Bash Barwaaqo Maxaa Kugu Daba Dhigay Shaydaanka Iyo Arimaha Casurl Jaahiliga Ah Ma Janadii Ayaad Cadaab Ka Dooratay

Ilaahay U Toobad keena Ilaahay Dartiisan U Joojiya Habalahana Guursada Sinadana Joojiya Ilaahay Waxaynu Ka Barayanaa Hadaayad Khar Qabta SWT

Wabilaahi Tawfiiq

Waa Walaaladiin Bahada Warabaahinta Waxsansheeg News

By Abwaan Sidiiq Sh Faarah Gabaar

abw-sidiiq-1