Tusaalaha Todobaadka Waxsansheeg News:—–Luuqada Soomaliga oo Ka Dabar Goysa Qurbaha —-Waalidinta Soomalida Ee Soo Galay Qurbaha Oo Caruurtooda Uga Faa,iidayn Kariwaayay barashada Afka Hooyo Iyo Hidaha Taariikhda–Waa Ayaan Daro,Markaad Eegto Ilmaha Somaliga Waxa Uu Iskuulka La Dhigtaa Caruur Ajahanabiya Sida Carab Pakistan Hindi Afrikan Iyo Qaar kaloo Badana

Waxay Kuwada hadlaan Luuqada Afkooda Hooyo Ee Dalkooda Lagaga Hadlo —-Halka Ay Soomalidu U Haysato CILMI In Af Qalaad  Lagu Hadlo Ceeb Caleeg Taasina Ay Keeni Karto Dabar Go Ku Dhaca Luuqada Soomaliga Dhaqanka Iyo Meesha Uu Kasoo Jeedo Ilamahani Ilamaha Uu Sii Dhalaa Muxuu Garanayaa Maxaase uu Noqonaya??? Subxaannalah -Waxaana taas Ugu wacan Waalidiinta Soomalida Oo U Badan dad Jaahiliina Iyada Oo Ay U Haystaan Luuqada Dalkan Ay Ilmaha Keeneen Ama Ku Dhaleen Inay Cilmi Tahay Iyagoo Aan Uba Sheegin Meesha Uu Kayimi Inu Awoowgii Libaax Lax Ka Ridan Jiray oo Aanu Gaadhi Raaci Jirin Ee Uu Lugayn Jiray Kumanaan Kiilo Mitir, Inay Maalina Qadi Jireen M;aalina Qadayn Jireen Inay U Noolaayeen Iyagoo Sidaasa Farxad Iyo Alla Ka Cabsi Buuxa,—HADABA CAANO QUBTAY DABADOOD LA QABAYE SIDAN HALAYSU DHAAMO Dabar Go, Afka Hooyo Dhaqanka Taariikhda Halaga Hor Tago Ubadaka Iyo Dhalaanka hala Baro,

La Soco Qaybaha Hadhay Insha Allah

Kala Soco Warbaahinta Waxsansheeg News

Info@waxsansheeg.com

afsoomaali