Guryaha Florida Badankood oo Koronto La’aan ah Iyo Shacabkii Deganaa Oo Calool Xumo hayso.

,,

Ku dhawaad 6.5 milyan oo guri oo ku yaalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka, una dhiganta saddex meeloodow labo ka mid ah guud ahaan guryaha ku yaalla halkaas ayaa koronto la’aan ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Hawlaha gargaarka ayaa socda, injineeraduna waxay ka shaqaynayaan in ay soo celiyaan korontada, laakiin goobo badan ayaa wali go’doonsan.

Jasiiradaha Florida Keys iyo qaybaha bari ee gobolka maraykanka waxaa ku dhuftay duufaan darajadeedu tahay afar.

Duufaanta Irma ayaa ku dhufatay Florida Axaddii iyadoo heerkeedu uusan aad u sarraynin hase ahaatee horraantii Tallaadii ayay sii xoogaystay.

Dhisme sida kore ee sawirka ka muuqata u ekaa ayay duufaantu sidan sawirka qaybtiisa hoose ka muuqata u gashayDhisme sida kore ee sawirka ka muuqata u ekaa ayay duufaantu sidan sawirka qaybtiisa hoose ka muuqata u gashay

Awoodda duufaanta ayaa hoos u dhacday markay u jihaysatay dhanka Atlanta, iyadoo ay saacaddiiba jaraysay 56km, sida markii dambe ay diiwaan galisay Xarunta Qaran ee Duufaanta ee magaceeda loo soo gaabiyo NHC.

Warbaahintu afar dhimasho ayay la xiriirisay duufaanta Florida, todobaadkii horana 37 ruux ayay ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka.

Gawaari badan oo burburtay ayaa lala xiriiriyay duufaanta