Basharka aadamuhu waxay taariikhdooda dheer ee ay soo jireen ku ogaadeen awoodo iyo farsamooyin kala duwan oo la daah qaaday cahdigii dahabiga ahaa ee la soo maray, iyadoo shucuubtii kala dambeysay ay ka hawlgaleen oo hal abuureen fikrado iyo xirfado farsamo oo dhaqan iyo kuwo cilmiba, kuwaasoo ay ka faa’iidaysteen guud ahaan aadamuhu, iyadoo dunida carabta iyo ta islaamkuba ay door ku lahaayeen hal abuurnimadaasi.
Taariikhdii Gumaystaha ee labadii qarni ee u dambaysay iyo waxa loogu yeedho siyaasadda cusub ee caalamiga ah ayaa hadana ka dhigay dunida carabta mid aad uga dambaysa dalalka reer Galbeedka, laakiin culimada dunida oo ay qatb ka ahaayeen culimadii dalalka reer galbeedku kalama ay bakhaylin culimadii carbeed iyo kuwii islaamka doorkoodii iyo ikradahoodii kor u soo qaaday ilbaxnimada dunida waxana ay u aqoonsadeen kaalintii ay culimada islaamku ku lahayd hal abuurnimada, daahfurka, curinta iyo soo bandhigida waxyaabo faa’iido ka lahaa dhinacyo badan sida Caafimaadka, Xisaabaadka, xidigiska, fikirka, suugaanta iyo falsafadda.
Ixtiraam iyo Qadarin la siinayo culimadaasi islaamka darteed ayaa magacyadooda loogu xardhay Dayaxa dushiisa iyadoo laga shidaal qaadanayo kaalintii ay ku lahaayeen dariiqa aadamuhu u soo maray inay diyaarado ku duulaan hawada, inay hawada sare sahamiyaan iyo inay ugu dambayntii Dayaxa dushiisa tagaanba, waxaana jira illaa 24 meelood oo la hal maala Dayaxa oo loogu magacdaray culimadii carabta iyo Muslimiinta kuwaasoo kala ah sidan:

http://www.xogtadunida.com/wp-content/uploads/2017/05/1. Abu al-Fida, Ali bin Shahnshah waxa uu ahaa taariikhyahan Juquraafiyayste ah oo xukumi jiray magaalada Xamah ee haatan ka tirsan Dalka suuriya waxana uu ahaa caalimkii bartay culuunta       diinta, caafimaadka iyo falsafadda, waxana uu noolaa intii u dhexaysay 1273 ilaa 1331 taariikhda Miilaadiga waxaana loogu magacdaray mandaqadda dhexe ee Dayaxa.

 

http://www.xogtadunida.com/wp-content/uploads/2017/05/2. Abu Al-Wafaa, Mohammed bin Mohammed Al-Buzjani, waxa uu ahaa xisaabiye, xidigiska yaqaanay oo u dhashay dadkii faarisiyiinta, laakiin waxa uu u soo hayaamay dhanka Magaalada Baqdaad xiligii ay xukunka hayeen dawladii Bowhibiyiintu, waana caalimkii daah qaaday qaybaha hadhka iyo hoosiiska siina horumariyey, waxa kale oo uu xalliyey mas’alado xisaabeed oo dhanka sadex xagalka ku saabsan, waxaana loogu magac daray xubinta dayaxu kaga wareegsan yahay dhul badhaha.

http://www.xogtadunida.com/wp-content/uploads/2017/05/3. Bakri Abu Obeid bin Abdullah, waxa uu ahaa caalimkii dhanka Juquraafiga ee Reer Andulus, waxana uu noolaa cahdigii ay Andulus xukumayeen boqorada faraha badan ee aan xarunta dhexe lahayn (1040 ilaa 1094), waxana uu bartay culuunta luqadaha, taariikhda iyo suugaanta, sharaftiisa darteed waxaa loogu magacdaray mandaqada waqooyi/bari ee dayaxa.
http://www.xogtadunida.com/wp-content/uploads/2017/05/4. Peronist Abu Basil Mohammed bin Ahmed, waa caalimkii sida weyn loogu yaqaanay magaca Al-Bayruuniyi waxana uu noolaa intii u dhexaysat 973 ilaa 1048-kii taariikhda Miilaadiga waxana uu ka soo jeeday Dalka haatan loo yaqaano Uzbakistan, noloshiisa inta badnaydna waxa uu ahaa safar uu isaga dab qaadi jiray Aasiyada dhexe, Hindiya ilaa iyo Ciraaq, waana ninkii fadhiisiyey qiyaastay khadka dhereka iyo ka ballaca, waxana uu sii caddeeyey wareega dhulka iyo marinadiisa.

La soco qaybta Labaad
Huseein Kurdi