Fariin Ku Socta Bahwaynta KULMIYE—Hadaad Xoogaga Iyo Xiniiyahaaga gashatay Xisbi Xaakimka Kulmiye  Ama Bari Joog Ama Galbeed Joog U Sabir Dheeftiisa Hadaanad Dhadhamin Waad Ku Dhaashane

Xisbiga KULMIYE Waa Xisbi Xaakimka Jamuuriyada Somaliland Waxa Ka Dhalatay Xukumada Maanta Talada Haysa Ee Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Md Madaxwayne Ahmed Mahamed Mahamoud Oo La Mahadiyay Waxqabadkiisa Iyo Dulqaadkiisa Isga oo Noqday Madaxwaynihii Ugu Waxqabadka Badnaa Intay Jirtay Qaranka Curdinka Ah Rubuc Qarnigii Lasoo Dhaafay

 

Waxaan Layaaba dadka Had Iyo Goor Sida Fududud U Cadhooda Iyo Kuwa Sida Fudud Maskaxada Looga Xado Oo Nin Siyaasda Ku Fashilmay Ama Nin Ismahadiyay uu Been U Sheego Ee Iska Hadaaqa –YAA KAMIDA Waxa Kamida Kuwa Intay Xiniiyahooda Iyo Xigmadooda Xoogooda Gashada Xisbiga Kulmiye Ee La Mahadiyay Hadana Intay Si Fudud U Cadhoodaan Isga Oo aan Eegin Mudada Uu Ku Jiray Marxaladaha Uu Soo Maray—Mar Qudha Yidhaahda WAAN IS CASILAY Xagee Uu Qabanaya Xisbi Kale Oo Nin Leeyahay Oo Uu Marti U Noqonaya Waa Lagaa Faqayaa Waxaanad Ka Tahay INAN GUMEED REER LA;YAALA Sida Ku DHacaday Xirsi Cali Xaji Xasan

Hadaba Hadii Ay Jirto Tabasho Hadii Aad Cadhooto Ha Fogaan Sidii Ragii RAGA AHAA KIJAANDHE XINIF SAMAALE Ay Sameeyeen Oo Kale Ku Mintid Hana Ka Tagin Gurigii Aad Dhistay Geesta Kale Waxaan Leeyahay Dadka Qaarba In Ayay Iska Fahmaan nINKA BARI JOOGOW WAXAAD OGAAT NINKA GALBEED JOOGA Ee Jeegaanta Iyo Danta Siyaasadu Idinka Dhaxaysay Ilaa 100 Boqolkii Sano ee U Dambaysay Ha Eegin Hawna Fiirsan Wasaaradha Maanta Uu Kasoo Jeedo Bari Adaa Kasoo Jeesan Sabir Oo Dyulqaad Yeelo Balan Adag La Gal Mujaahidka Madaxwaynaha Mustaqablka Waa MUUSE BIIXI CABDI  Yaan Been Laguu Sheegen Reerha Kale Tol Ayaa Tihiin Isku Deegaan Ayaa Tihiin Laakiin Xaga Siyaasada Wax wada Lahaanshaha Horaa Loo Kala Quustay Ragii Hore Ayaa Taas Soo Taabtaye—Haka Hadhin Tareenkan Dhaqaaqay Dhinaacaga Qabso Hadaad Cadhooto Ha Fogaanin Saxiib. Qaylada Galbeedka Iyo Cayda Ha eegin Walaahay Aday Dad Kuugu Jecelyihiin Markay Runi Run Tilmaado. Xog Iyo Xaalakasata Aday Kugu Qarsadaan.

Maanta Halkaas Haynoo Joogto Wabilaahi Tawfiiq Guuuuuuuuul Iyo Gobanimo Filo

 

WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROONIN SABIR MAALINTAADII WAY IMANAYSAA WAANA LAGU ABAAL MARINAYAA

By Abw,Sidiiq Sheikh Faarah Gabaar

Gaashaan_1986@hotmail.com

Mujaahid-Muuse-Biixi-KULMIYE-NEWONE1 kulmiye