Jimce 12.oct.2012..Denmark (Waxsansheegnews) Waxa Maanta Aanu Bilawnay Hadaanu nahay Bahda waxsansheegnews, Barnaamijkan Oo La Magac baxay  Guubaabada Shacabka Somaliyeed, Ma Ogtahay S/Land waxay Horu Marka Ku gaadhay Deeq Ilaahay Iyo Dulqade, (Waa cadadkii Koobaad)

(SOMALILAND WAXAY HORU MARKA KU GAADHAY DEEQ ILAAHAY IYO DULQAAD)

Hadab Dulucda Iyo Ujeedada Banaamijkan Oo ah In Looga Faaiideeyo Bulshada Reer Somaliland Iyo Gaar Ahaan Bulshada Somaliyeed Ee Aynu walaalaha Nahay Ee u Ooman nabad Iyo Dawlad hagta Oo Hogaamisa kadib Markii Ay Mudo 22 sanadood Ay Ku Jireen Jaah wareer Iyo Dagaal sokeeye  Oo Dhalay xasuuq Dhib Dhimasho Iyo Dhaawacba,

Hadba Siadaynu wada Og nahay caalamku waxa uu Soo wada maray dagaalo Dokeeye  (Civil War) Hase Ahaatee Yeeshay Bilaw Iyo Dhamaad,hadaba, Hadaba Waxa Is Way Diin Leh Inkasta Oo wax waliba Ama Dhacdo walliba ay Ku Timaado Amarada Ilaahay, Hadan Masiibooyinka Iyo Dhibkasata Oo Yimaada Waxa La Cuskadaa Ilaahay xadhigiisa Iyo  Diintiisa, Ma Ogtahay walaalkayga Somaliyeedow Inay Somaliland Soo Martay Dhibaatooyin Badan Iyo dagaalo Culculus  Oo Ay La gashay Dawladii Malatariga Ahayd Ee kali taliska Ahayd Ee Dhacday,  Ma Ogtahay Markii Lagu Soo Noqday Dalka Amaba La Xoreeyay Inay ahayd 1991 Iyoadoo Jabhadii Iyo Shacabkii Oo wada Socdaa Ay Shir wayne Baslaadhan Ku qabsadeen Magalada Burco ee Xarunta G/Togdheer Halkaas Oo lagu Gaadhay Go Aan Qaadasho Ah Shacbka Reer Somaliland Inuu Isa Saamaxo Isuna Dul qaato aanay Dhistaan dawlad gaara Oo matalaysa Tii Lixdankii ,Taas Oo Macnaheedu Yahay lasoo Noqoshadii Xoriyadii Luntay, Taas oo ay wada Aqbaleen Beelaha Somaliand Oo ay Ku sugnaayeen Madax Dhaqameedyo Iyo wax garadka Reereed  saraakiil Iyo Aqoonyahano ka Kooban Dhamaanba Reer Somaliland, Kadib Markii La qaatay samaxaadii Iyo samir Qadashadii 18.may.1991. Beelaha wada Dhashay ee Wada gacalka iyo Qaraabada Iyo Hilbaha Iyo habar wadaaga Ah, waxa dhacday Inay samaystaan  Maamuln Iyo dawlad hagta Taas oo Uu Madaxawayne Ka Noqday Ilaahay ha U Naxariistee Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali Tuur, Madaxwayne Ku Xigeena uu Ka nOqday Xasan Ciise Jamac, Maanta halkaas haynoo Joogto,n Waxaanse Leeyahay walalahayga Somaliyeed Dhug U Yeelo Xaajad Iyo Barnaamijka Ku Dhaqan kana Faaiidayso, La Soco Qaybta labaad Todobaadka Dambe Insha allahu,

 

Ilaahay Ayaa Mahad Iska Leh gaara Alxamduliloaah

Waxa Uu Barnaamijkani Gaar u yahay waxsansheegnews,