Khamiis. Wasaarada Gaadiidka Doowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay mudo 20 sano ah wax ka badaleysa sharciga dadku ku kala iibsadaan gawaarida.

Arrintan ayaa wasaaradu ku sheegaty mid wax loogu qabanaya dhanka amaanka iyo caddeynta milkida gawaarida

Agaasimaha Wasaaradda Gadiidka Maxamad Cusmaan Cali ayaa sheegay in sharcigan looga gol leeyahay in lagu ogaado lahaanshaha gaadiidka sharciga iyo midka aan sharciga aheyn.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay soo saartay awaamiir lagu kala badbaadinayo qaladaadka dhaca xiliga kala iibsiga gaadiidka.

Maxamad Cusmaan ayaa sidoo kale sheegay in cidii ka hor tima