Manchester United ayaa  dib usoo laba kacleysay waxeyna markii ugu horeysay sameysay rikoor fiican oo dhanka difaaca ah tan iyo waqtigii Sir Alex Ferguson, walibana waa rikoor u gaar ah tartamada yurub.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyay sadexley kulan ay kooxdiisa 3-0 ku dubatay Saint-Etienne lugta h–e wareega 32-aad ee koobka horyaalada yurub, wuxuuna ahaa kulankii sadexaad oo aan wax gool ah laga dhalin Manchester United tartamada yurub.

Jose Mourinho wuxuu ku guuleystay inuu kooxdiisa ka toosiyo dhanka daafaca isla markaana ay sadex kulan shabaqooda difaacdaan waxeyna aheyd markii ugu dambeysay oo ay sidaas dhacdo November 2010, haatan United waxey shabaqeeda ka difaacdeen Zorya Luhansk, Feyenoord iyo Saint-Etienne.

 

Balse rikoorkii Sir Alex Ferguson ee waqtigaas ma dhameystirna, kaliya qeyb ka mid ah ayaa la gaaray oo ah sadex kulan balse waqtigaas United waxey shabaqeeda difaacdeen 5-kulan.

Ugu dambeyntiina Red Devils waxey Axadda la balansan tahay Blackburn Rovers kulan ka tirsan wareega shanaad ee FA Cup, halka isbuuca xiga Axadiisa ay la balansan tahay Southampton finalka EFL Cup.