Sannad guuradii 40-aad ee hirgelinta qoraalka afkeenna ayaa hadda Qalinleyda Pen ee Soomaalidu ku hawllan tahay qabanqaabada xuskeeda meelo badan oo adduunka ka mid ah. Qormadan oo arrintaas ka soo jeedda, waxa ay hore ugu soo baxday magazine-ka Weedhsan iyo Wargeyska Alif.

Sannad guurada 40-aad ee hirgelintii farta Soomaaligu waxa ay ku soo beegmaysaa galbashada iyo godgalkii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ka mid ahaa halmuceedkii foolaadka u ahaa aqoonta, suugaanta iyo afka Soomaaliga. Gaarriye, Alle ha u naxariisto’e, waxa si milgaysan oo aan loo kala hadhin loogu aasay magaalada Hargeysa 8-da Octoobar 2012, iyada oo maydkiisa laga soo qaaday waddanka Norway oo uu ku geeriyoodey 30-kiiSeptember 2012. Maxamed Xaashi Dhamac waxa uu ka mid ahaa guddidii hirgelinta farta, iyada oo la tilmaamo inuu ahaa xubintii ugu da’da yarayd.

Afkeennu sida afafka kale kama maarmi karo xeerar iyo qawaaniin dhigaalladiisa loo raaco. Guddidii qoraalka farteenna ayaa 1972 beyaamisey qaar ka mid kuwa ugu muhiimsan xeerarkaas. Shibbaneyaasha labanlaabma ayaa xeerarkaas ka mid ah.
In kasta oo ay qaar kalena jiri karaan, haddana sida guddidaas Afka Soomaaligu isku raacday toddoba ka mid ah shibbanayaasha afkeennu way labanlaabmi karaan. Tilmaan ahaan waxa toddobadaas shibbane lagu baadi soocdaa labadan hawraarood:

Ma nala garaad baa
Badar galaamayn
Sida muuqata toddobadaas shibbane ee labanlaabmaa waxa ay kala yihiin sida alfabeetada ay ugu kala horreeyaan: b d r g l m n (B D R G L M N).
Mar kasta shibbanayaashaasi ma labanlaami karaan, hase yeeshee waxa lama huraan ah in maraxadaha qaarkood la labanlaabo haddii kale se la gelayo khaladaad waaweyn oo mararka qaarkood dhiillo culus ah marka xagaafka la iska qaadsiiyo ee aan loo ab iyo isir eegin.

Tusaale ahaan, waxa marar badan lala kulmaa war sidan u dhigan:
Caasha waxa loo magacaabay wasiirada caafimaadka. Golahawasiiradu waxa uu ka kooban yahay sagaal rag ah iyo haweenaydaas.
Caashi waa wasiirad. Marka qodobka “da” la raaciyo waa in ay noqotaa wasiiradda. Haddii aan sidaas la yeelin oo loo qorowasiirada waxa noqonaysaa wadartii ama jamacii wasiir oo weli isna khalad ku sii jiro oo sida saxani tahay wasiirro = wasiirrada.
Qaybta labaad ee warkeenna oo ku saabsan wasiirrada oo dhan waxa aynu u qornay wasiirada oo dhawaaq ahaan ereygu jabnaanayo haddii aan xarafka “r-da” carrabka lagu adkayn ama aan la shedin, waxaana sax ah in loo qoro “wasiirrada” sida aynu xagga sare ku soo taabannay. Waxa taas u dhiganta labka iyo dheddiggawakiil. Wakiilad x wakiil. Wakiiladda oo ah haweenay waxa qoraalkeedu ka duwan yahay wadarta wakiil oo ah wakiillo oo marka qodobka la raaciyo u dhigmaysa wakiillada. Bal ha loo fiirsado kala geddisnaan wakiiladda iyo wakiillada.

Tusaaleyaal kale:
Bog waxa uu mar la macne yahay xaashida ka midka ah buugga, mar kalena waa xubin ka mid ah jidhka gudaha ee aadanaha ama xoolaha. Haddii qodob la raaciyo waxa uu u qormayaa bogga.Haddii aynu labanlaabkaas ka il-duufo waxa soo baxaya boga oo ah hal magaceed (Boga). Hashayadii Boga boggaa laga hayaa X Hashii Boga bogaa laga hayaa.
Labanlaabka ayaa kala duwaya sidaas oo kale macnayaasha ereyadan soo socdana:
Carab carrab la’ ayaa carruurta la cayaarayey markii Cali kubbadda uu Cabdi kubada kaga dhuftay. Cabdi weli kubadaa xanuunaysa ka dib markii ay kubbaddu ka haleeshay. Kubbadda x kubada
Sallaan buu fuushanaa markii Cali uu salaan wacan na siiyey.Sallaan x salaan

Cadaawe iyo Caddaawe waa laba walaalo ah. Cadaawe waa axmaq aan naxariis lahayn, Caddaawe se ha iska caddaado’e waa mayeedhaan. Caddaawe x Cadaawe
Durdurrada xajiinta leh durdurada ku dhaafa. Durdurrada x durdurada
Dhammaan caanaha way dhamaan. Dhammaan x dhamaan
Barre waa bare Afsoomaaliga dhiga. Barre x bare
Ammaan-darradu meelna caalamka amaan kama aha ee waa xumaan. Ammaan x amaan

In marka shibbanuhu labanlaabmayo la gartaa waa wax fudud. Dhawaaqa ayaa dhegta iyo carrabkuba dareemi karaan oo lagu kala saari karaa in ninka Carabka ah ee reer Ciraaq iyo xubinta jidhkiisa ka midka ah ee carrabku ay ku kala duwan yihiin shedka ku dhacaya xarafka “r-da” ee xubinta jidheed ee carrab oo haddii shedku ka baxo noqonaysaa nin ama haweeney Carab ah.
Ereyadan soo socdaa asal ahaan ayay u labanlaabmaan oo isbeddel ku yimi dhismahoodu kuma keenin labanlaabka, waxa se jira ereyo badan oo aan labanlaabmin asalkooda hore, hase yeeshee isbeddel dhismahooda afeed ku yimi uu sababo labanlaabka ku yimaadda. Kuwa labanlaabkoodu asalka yahay ayaynu ku horrayn,waxana ka mid ah:

1. Magacyada iskood u labanlaabma
B: Kubbad, shibbane, Eebbe, aabbe, Cubbe, Cabbane, Cabban, Caabbi, Dubbe, cabbudh, abbaar, xabbad, dabbaal…..
D: Caddaawe, caddaan, guddoo,n geeddi, waddan, maddane, addin, shiddo, xiddig, addoon,caddaalad, guddi, dheddig, cuddoon, gooddi, waddo, toddoba, siddeed, saddex, Caddib, giddi, geddis, eeddo, ciddi……..
R: Carrab, jirrid, cirro, carro, curri, qorrax, berri, cirrid, Hurre, Barre, farriin, xarriiq, dhiirri, arrin, shirrabaad, jirri, marriin, xirribo, harraad, irrid……
G: Higgaad, hoggaan, higgo, hoggaamiye……….
L: Sallaan, kalluun, ballan, loollan, dillaal, cillaan, illin, falliidh, raalli, faallo, dheelli, heello, dulli, duullimaad, gallad, qallad, ballaadh, shillal, Alle, hallow, balli, fallaadh, kelli, ballac, sallax, doolli, qoolley, qallayl, dhallin, dhalliil, dhallaan, dhiillo, kallahaad, xilli, jillab, Cabdalle, Cabdiillaahi,
M: Dhammaan, ammaan-darro, ummad, qummaati, lammaane, hummaag, ammaano……
N: Bannaan, hannaan, janno, jinni, shinni, Xinnif, gunno, xinne, xannaano, cunnaabi, sannad, doonni, sinnaan, sunne, iwm.
Carrabka ayaa garta oo soo dhufta marka shibbanuhu uu labanlaabmayo. Wax se jira xeerar kale oo qudhoodu hoosta ka xarriiqa oo jid u bixiya in shibbanuhu xaalado gaar ah uu labanlaabmayo marka wax laga beddelo jirriddii ereyga ee asalka ahayd. Marka aynu ka tagno ereyada asal ahaan u labanlaabma sida kuwa sare, waxa aynu labanlaabka shibbane ku yimaadda ku salayn karnaa dhawrkan qodob ee soo socda oo isbeddel dhisme afeed keenay:
2. Magacyada lab ee isirkoodu kelida yahay ee ku dhammaada shibbaneyaasha “b, d, r, l iyo n ” haddii aanay alan keliya ka koobnayn wadartoodu way labanlaabantaa, “o” dabaggelis ahna way qaataan.
Tusaale shibbanaha “b”:
Albaab“-ka” : albaabbo”-ada”, qodob“-ka” : qodobbo”-ada”, qoqob”-ka” : qoqobbo”-ada”, baarqab”-ka” : baarqabbo”-ada”, sacab”-ka” : sacabbo”-ada”, birqaab”-ka” : birqaabbo”-ada”, sambab”-ka” : sambabbo”-ada” iwm. qodobkii lab“ka” waxa uu u wadaroobey dheddig qaata “da”, “o” waxa ay isu beddeshaa “a” sida sambabka : sambabbada.

FG I: ab”-ka” : abab”-ka”, saab”-ka” : saabab”-ka” iwm waa magacyo ka kooban hal alan oo keliya, taas baana ka saaraysa xeerkaas hore. Iyaga isma beddelo isirkoodii labaa, sida saabka :saababka.

FG II: Magacyo faro-ku-tiris ah (xubnaha jidhka u badan) ayaa dariiq kale wadarayntooda la raacin karaa oo xeerkaas hore aan la jid ahayn sidan oo kale: garab”-ka” : garbo”-aha”= garbaha ka mid ah xubnaha jidhka; ama garabka : garabyo “-yada” = garabyada siyaasadda ama jilib-“ka” : jilbo”-aha” = jilbaha xubnaha jidhka ama jilibka : jilibyo”-yada” = jilibyada qabaa’ilka iwm.

Tusaale shibbanaha “d”:
Wadaad”-ka” : wadaaddo “-ada”, garaad”-ka” : garaaddo”-ada”, sharabaad”ka” : sharabaaddo”-ada”iwm.
FG: cod”-ka” : codad”-ka”, cad”-ka” : cadad”-ka”, lud”-ka” : ludad”-ka”, bud”-ka” : budad”-ka”iwm

Tusaale shibbanaha ”r”
Buraanbur”-ka” : buraamburro”-ada”, geeraar”-ka” : geeraarro”-ada”, nabar”-ka” : nabarro”-ada”, wasiir”-ka” : wasiirro”-ada”, barbar”-ka” : barbarro”-ada”, dhakhtar”-ka” : dhakhtarro”-ada”, durdur”-ka” : durdurro”-ada”, amiir”-ka” : amiirro”-ada”, cudur”-ka” : cudurro”-ada” dakhar”-ka” : dakharro”-ada”, dabar”-ka” : dabarro”-ada” iwm.

FG I: gar”-ka” : garar”-ka”, qar”-ka” : qarar”-ka”, qor”-ka” ; qorar”ka” iwm. waxa ay raacayaan xeerkii magacyada alanka keliya ka koobnaa.FG II: magacyada shimbir, daruur, bar, buur, habar, daar iwmisirkoodu waa keli dheddig ah oo qaata qodobka dheddigood ee “ta”. Sidaas darteed wadaraytooda shibbanaha “r” ee ay ku dhammaadaan ma labanlaabmo. Tusaale shimbir”-ta” : shimbiro”aha” ama bar”-ta” : baro”-aha”iwm

Shibbanaha “l”
Qoraal”-ka” : qoraallo “-ada”, dhigaal”-ka” : dhigaallo”-ada”, wakiil”-ka” : wakiillo”-ada”, aqal”-ka” : aqallo”-ada”, alool”-ka” : aloollo”-ada”, qiraal”-ka” : qiraallo”-ada”, dhambaal”-ka” : dhambaallo, qabaal”-ka” : qabaallo”-ada”, gobol”-ka” : gobollo”-ada”, qawlal”-ka” : qawlallo”-ada”, awlal”-ka” : awlallo-“ada” iwm.
Hase yeeshee waxa xeerkaas ka baydhaya magacyada hal alanleyaasha ah ee labka ah ee “l” ku dhammaada sidii aynu horeba ugu soo aragnay kuwa ku dhammaada “b, d ama r”.

Gal”-ka” : galal”-ka”, qol”-ka” : qolal”-ka”, qul”-ka” : qulal”-ka”, dhul”-ka” : dhulal”-ka”, dal”-ka” : dalal”-ka” iwm.

Shibbanaha”n”
Marin”-ka” : marinno”-ada”, surin”-ka” : surinno”-ada”, duullaan”-ka” : duullaanno”-ada”, degaan”-ka” ; degaanno”-da”, bannaan”ka” : bannaanno”-ada” iwm
Hase yeeshee sidaynu hore u soo aragnay waxa xeerkan diidaya magacyada hal alanleyaasha lab ee “n” ku dhammaada. Tusaale:
Ban”-ka” : banan”-ka”, wan”-ka” : wanan”-ka”, nin”-ka” : niman”-ka”, san”-ka”: sanan”-ka”, waaba”-ka” : waabab”ka” iwm

Shibbanaha”m”

Ma jiraan ogaalkayga magacyo Soomaali ah oo xarafka “m” ku dhammaadaa. Hase yeeshee waxa jira macagyo lab oo ku dhammaada “n” oo marka wadaroobayaan “n”-du isu beddesho “m” labanlaabanta.
Tusaale:

Qaalin”ka” : qaalimmo”-ada”, qalin”-ka”: qalimmo”-ada”, kulan”-ka” : kulammo”-ada”, inan”-ka” : inammo”-ada iwm.

3. Qodobbada “da iyo ga”

4 Sida qodobbadu ka marag-kacayaan magac kasta oo Afsoomaali ah haddii uu ku dhammaado shibbaneyaasha “d” ama “g” marka uu qodobku (da ama ga) raacayo waxa khasab ah in labanlaab yimaaddo.

Tusaaleyaal “da”
Wasaaradda, dawladda, xukuumadda, Jamhuuriyadda,s iyaasadda, waddaniyadda, dimoqraaddiyadda, daacaadda, madbacadda, qaafiyadda, daaqadda, daasadda, nadaafadda, warqadda, doodda, nabadda, colaadda, niyadda, durriyadda, qabyaaladda, diyaaradda, majarafadda, laambadda, badda, dalladda, maddiibadda, malqacadda, xawaaladda, maaliyadda, shirkadda iwm

Tusaaleyaal “ga”

Bogga, doogga, diigga, dhiigga, taagga, tuugga, togga, aagga, udugga, saldhigga, unugga, adeegga, edegga, buugga, dheegga, dhuugga, duugga, laagga, mugga, maragga, gundhigga, ruugga, ragga iwm.

5. Magacyada qaata dabaggeliska “-nimo” ee ku dhammaada shaqal sida “i ama a” iyo xarafka “n” iyana waa in dabaggeliskooda “-nimo” ay “n-da” ku jirtaa labanlaabantaa. Tusaale:

Ragannimo, waddaninnimo, Soomaalinnimo, ninnimo, doqonniimo, qarannimo, walaaltinnimo, qaxootinnimo, qaninnimo, hodannimo, geesinnimo, gunnimo, gobannimo, caasinnimo, muslinnimo iwm.

6. Falka raaca magacuyaallada iyo tilmaameyaasha “annaga, innaga ama idinka waa in “n-da” dabaggeliska ahi had iyo jeer labanlaab ku dhacaa. Magacuyaalka “iyada” ayaa iyana xaaladaha qaar falka raacaa uu labanlaab ku yimaaddaa, gaar ahaan marka uu xarafka “d” ku dhammaado. Tusaaaleyaal:

• Keenna, teenna, kuweenna ama kiinna, tiinna ama kuwiinna.
• Samaha waannu la safannaa.
• Ardaydeennu waxa badan kama bartaan taariikhdeenna.
• Ubadkiinnu waa aayatiinka dalkiinna.
• Aynu salaadda jamaca wada tukanno iwm.
• Iyadu ha qoddo godka.
• Waxa ay qaadday tallaabo dhinaca fiican ah.
7. Labanlaab mararka qaarkood ku yimaadda ballaadhinta erey lagu sameeyo. Tusaale:
Bar”-ta” : Barre, dakhar”-ka” : Dakharre, bil”-sha” : bille”-aha”, baal”-ka” : Baalle, jaal”-ka” : jaalle iwm
8. Ereyada ku dhammaadaama ka bilaabma xarfaha labanlaabma haddii xagga dambe ama hore erey kale lagaga kabo waxa yimaadda labanlaab.
Tusaale:
Taab iyo gal : taabbogal, keeno iyo diid : Keenoddiid, ga’ma iyo diid : Gamaddiid, nabaddoon, nabaddiid, samoddoon iwm.
Haddii afka iyo dhismihiisa uurbaadh fog lagu sii sameeyo waa la arkaa in siyaalo kalena loo soo saari karo xaalado kale oo labanlaab yimaaddo, hase yeeshee hadda qoraalkeennan kooban waxa laga la soo dhax bixi karaa toddobadaas marxalood in ay muhiim tahay in loo dhug yeesho shibbaneyaashaas labanlaabma iyo xilliyada ay labanlaabmaanba. Ugu yaraan qof kasta oo wax qorayaa waxa habboon inuu arrintan ku baraarugsanaado, si looga baaqdo gef iyo gedmashooyin afeed oo hab qoraalkeenna ku dhex gaamura. Af aan qoraalkiisu qawaaniin la raaco lahayni kama duwanaado awr dabar la’aan dhacay ama qoon aan sharci kala dabbaalin. Afku xeerarkiisii afeed wuu leeyahay ee sirtaas ha la wada raadiyo oo dibedda ha loo soo saaro. Wixii badhitaar ah ee arrintan ku saabsan iyo ciddii xog dheeraad ah haysa ba marti baan uga ahay talo bixinteeda.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
E-mail: rasheedbaashe@gmail.com