Waxsansheeg News Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah Jaaliyadda UK G/Maroodi Jeex,Todheer,Saaxil,Daad Madheedh iyo Hawd

Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin kasoo kala jeeda Deegaamada G/Maroodi Jeex,Hawd,Saaxil,Togdheer iyo Daad Madheedh  oo ah Deegaanadda uu kasoo Jeedo Wasiirku, ayaa Waxa Kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Maalin ka hor intii aanu ka Dhoofin Magaalada London ee  Cariga Ingriiska.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Aadam(Qabyo-Tire),oo London u yimi oo howlo Shaqo isaga Wafti la socday oo u  jeedadoodu ahayd wacyi galin ku saabsan sidii ay Bulshada Somaliland gacan uga gaysan lahaayeen Abaarta Baahsan ee ku habsatay Somaliland,taasi oo dad iyo duunyaba saamaysay.

Md.Maxamed Ibraahim Aadan(qabyo-Tire) waxa uu si faahfaasan uga hadlay Xalaadda Abaareed  ee ka jirta Somaliland iyo sida ay u saamaysay Gobolada Somaliland guud ahaan,iyada oo abaartu kusoo horaysay gobaladda Bariga Somaliland,hase yeeshee ay ku baahday baddiba goboladda Dalka Somaliland iyada oo Dad,Duun iyo dhamaan nooleba saamaysay abaartaasi.

Sidoo kale waxa uu Wasiirka Qorshayntu ku dheeraaday Taariikhdii iyo Tacabkii uu deegaankani galiyay Xisbiga Kulmiye iyada oo Xisbiga Kulmiye iyo Deegaankuna ay yihiin laba isu baahan oo aan sinaba u kala Maarmin,Waxana uu intaa ku daray in Dawladda uu uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiyaba ay yihiin laba Si fiican u garanaya bulshada Deegaamadan,waxana uu  Bulshada ku dardaaray in ay Taageeraan Xisbiga Kulmiye.

Waxa isna kasoo qayb galay Gudoomiyaha UK ee Xisbiga Kulmiye,iyada oo Culayska la saaray sidii Kulmiye loo taageeri lahaa,  oo arintaa ay soo dhaweeyeen oo ay siweyn ugu guuxeen Dadka Jaaliyadda ee uu Wasiirku la shiray.

Geesta kale Wasiirku waxa uu Jaaliyadda ka codsaday in ay gacan ka gaystaan Gurmadka loogu jiro sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen,isaga oo intaa ku dar in Dawlad ahaan ay dhinacooda gacan laxaadleh ka gaysanayaan,balse ay lagaga maarmaan tahay in Bulshadu siiba dadka Qurbuhu ay kaalintooda qaataan.

Dhinaca kale Waftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Somaliland ayaa Maalintii shalay ee 11/01/2017 ka anba baxay Gagida Diyaaradaha ee Heathrow Airport iyaga oo uu ku wajahan Magaalada Hargaysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland .