Oslo, (Waxsansheeg News ):- Dalka Norway ayaa si rasmi ah u joojiyay, idaacadihii mawjadaha FM-ta loo yaqaano ku bixi jiray, kuna badashay nidaamka Digital-ka ah ee loo yaqaano, DAB, kaas oo ka dhigaya waddankii ugu horeeyay dunida ee adeegsada Idaacadaha Digitalka ah.
Dawlada Norway ayaa muddo lix sanadood ah ku diyaarisay, nidaamkan cusub ee idaacadaha ugu casrisan dunida, kuna shaqaynaya Digital ka, kaas oo aan wali laga adeegsan dunida, waxaana sababta lagu sheegay in maqalka FM-tu ku adkaaday dadka sida uu dalka u wada gaadhaana adkaatay, buuraleyda uu dalkaasi u badan yahay darteed, laakiin muwaadiniin badan ayaa ka cabanaya, kuwaas oo sheegay inuu ku kalifayo rikoodh iibsi cusub iyo wax cusub oo aan la wada fahmi Karin.

Image result for Norway first country to switch off FM radio