Real Madrid ayaa kooxda Sevilla ku booqanaysa garoonkeeda dhibta badan ee Ramón Sánchez Pizjuán ee kulanka lugta labaad ee Copa Del Rey, laakiin kooxda Zidane ayaa kulankan iskeenaysa iyada oo faa’iido wayn u haysata in ay kulanki Santiago Bernabeu ay 3:0 ku soo garaacday Sevilla. Balse Zidane iyo kooxdiisa ayaa maanka ku haya muhiimada uu kulankani u leeyahay.

Sevilla-Vs-Real-Madrid

XOGTA KULANKA:

TARTANKA: Lugta Labaad Ee Copa Del Rey

KULANKA: Sevilla Vs Real Madrid

GAROONKA: Ramón Sánchez Pizjuán

NATIIJADII KULANKII H–E:  Real Madrid 3-0 Sevilla

Real Madrid ayaa sanadihii ugu danbeeyay daawanaysay Barcelona oo iska yeelatay koobka boqorka Spain ee Copa Del Rey waxayna sanadkan kooxda boqortooyadu doonaysaa in ay u dagaalamaan isla markaana ay ku guulaystaan Copa Del Rey markoodii 20 aad halka Barcelona ay koobkan soo qaaday 28 jeer isla markaana ay Bilbao kaalinta labaad ugu jirto 23 koob.

Los Blancos ayaa kulankan caawa ciyaari doonta iyada oo maanka ku haysa in ay wali hawli hadhsan tahay si ay Barcelona iyo Atletico Madrid ugula biirto wareega sideed dhamaadka Copa Del Rey oo ay xalay iyo habeen h–e kala xaqiijisteen. Laakiin Sevilla ayaa u baahan in ay shaqo wayn qabto haddii ay doonayso in Ramón Sánchez Pizjuán dhinaca kale ugu dhigto natiijadii kulankii Bernabeu.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Tababaraha kooxda Sevilla ee Sampaoli ayaa liiska kooxdiisa ee kulankan ku soo daray saxiixa cusub ee Stevan Jovetić kaas oo ay Sevilla heshiis amaah ah kagala soo wareegtay kooxda Inter Milan, waxaana la filaya in Jovetic uu kulankan door ku yeelan karo.

Laakiin tababare Jorge Sampaoli ayaa ciyaartoyda kooxdiisa ka dalbanaya wax kasta oo ay awoodaan in ay ka sameeyaan kulanka lugta labaad si ay Real Madrid uga cidhibtiraan Copa Del Rey wuxuuna Zidane qiray in ay ogyihiin halista kulankan basle ay diyaar u yihiin.

Tababare Zinedine Zidane ayaa kulankan liiska kooxdiisa ka reebay Cristiano Ronaldo iyo Luka Modrić isaga oo doonaya in kulanka horyaalka La Ligaha ee isla Sevilla saddex maalmood kadib ay si buuxda taam ugu noqdaan wuxuuna kulankan dib uhelay Ramos, Vazquez iyo Kovacic.

Waxaana kulankan seegay xidigaha kala ah James, Isco, Pepe iyo si lamid ah Gareth Bale oo ku maqan dhaawac uu qaliin u maray oo uu waqti dheer la maqan yahay. Laakiin Zidane oo looga bartay in uu si fiican ugu shaqeeyo haddaba ciyaartoyda uu haysto ayaa kalsooni wayn ku qaba in ay kooxdiisu soo bixi doonto.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Real Madrid: Casilla, Marcelo, Varane, Ramos, Danilo, Casemiro, Kovacic, Kroos, Asensio, Benzema, Vazquez

Sevilla: Sergio Rico; Rami, Pareja, Mercado; Sarabia, Nasri, N’Zonzi, Iborra, Vitolo; Vietto, Yedder