Hargeysa (Waxsansheeg News )- Waxaa maanta oo Isniin ah la filayaa inay kulan isugu soo noqdaan guddiga doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran si go’aan midaysan looga gaadho qabsoomidda doorashada Madaxwaynaha    Kulankii hore ee Guddiga doorashooyinku la yeesheen saddexda guddoomiye ee xisbiyada ayaan wax go’aan ah laga soo saarin, balse waxaa xusid mudan in komishanku ay soo bandhigeen inay iyagu farsamo ahaan diyaar yihiin balse marka la eego duruufaha dalka ka jira ay adag tahay in doorasho la qabtaa.

ggg

Sidoo kale Xisbiyada Mucaaridka ah oo in muddo ah markii ugu horaysay isku mawqif noqday ayaa ku taliyey in doorashada dib loo dhigo jeer abaarta laga baxayo halka xisbiga KULMIYE uu ku adkkaystay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto  Geesta kale wararka ayaa sheegaya in Madaxwayne Siilaanyo uu kulan la qaatay guddiga doorashooyinka isla markaana uu xog waraysi kadib ku dhiiri galiyey inay doorashada wakhiteeda ku qabtaan, hase yeeshee lama saadaalin karo go’aanka ka soo bixi doona kulanka maanta

Waxii Warar Ka Soo Kordha Xaga Danbe Ayaanu Idinku Soo Gudbin Doona Insha Allah

Wariye Idiris Maxamed Dabshid