Hargaysa (Waxsansheeg News )  cududan laxaadka leh ee ku soo biirtay kulmiye oo ay gadh-wadeen ka tahay Marwo Saamiya sheikh oo xilal kala duwan ka soo qabatay xusbiga UCID balse xiliyadan danbe  iyadu ahayd la taliyaha arimaha dibada, ee NEW UCID.

Munaasibada xafladan lagu soo dhawaynayay masuuliyiinta iyo taageerayaasha ka soo digarogtay xusbiga UCID ee ku soo biiray kulmiye ayaa ahayd mid si heesare ah loo soo abaabulay

Ugu horayna waxaa halkaasi khudbad ka jeedisay gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga kulmiye Marwo Hodan oo halkaa hadala guubaabo iyo mahadnaq isugu jira ka so jeedisay ayaa ugu horay u mahad celisay taageerayaasha laxaadka leh ee ku  soo biiray xusbiga kulmiye.

Waxa iyaduna halkaa hadal u badan sarbeeb iyo duur-xul ka hadlayaa sooyaalkii siyaasadeed ay soo martay iyo sababaha ay maanta kulmiye ugu soo biireen ba ka soo jeedisay marwo SAAMIYA SHEIKH oo sheegtay in ay in badan mucaarid so ahayd balse haatan ay farxad wayn u tahay inay maanta xusbil xaakimkii kulmiye ka mid noqoto

Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay masuliyiin tira badan oo mid kastaaba aad u bogaadiyay xaflada iyo maalinta oo ahayd  curasadii sanadka cusub oo ah maalin taariikhiya 2017ki si kastaba ha ahaatee waxa khudbad qiimo badan oo si cilmiyaysan oo uu ka muuqdo bisayl siyaasiya u so bandhigay gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantaiisa Finland mudane Axmed Khaliif oo isagu halkaas uga soo jeediyay dhamaan martida ka soo qayb gashay xafladan iyo bogaadin uu u diray madaxda iyo taageerayaasha cududoodii ku soo kordhiyay xusbiga kulmiye laantiisa Finland.

Gudoomiye Axmed waxa kalo uu halkaa ka sheegay in xisbiga kulmiye yahay mid sooyaalka taariikhed ee somaliland ay qoridoonto oo uu noqonayo ama yahay ba xusbigii horumarka iyo wax qabadka oo ay maanta hogaaminayaan ragii dalka naftooda u soo huray.

Gudoomiye Axmed waxa uu ku soo gunaanaday hadalkiisa inaan xusbiga kulmiye la kala xigin ee uu yahay xusbi dhamaan shacbiga reer somaliland u siman yihiin oo u baahan qofkasta oo wax ku soo kordhin kara.