(Waxsansheeg News -Hargeysa)-Dhamaanteen waxaynu wada ogsoonahay in Luqmaan Al-xakiim uu illaahay ku mannaystay Xikmad aad u badan,waxaanay xikmadaasi noqotay mid uu Adduunku dhaxlay ilaa iyo haatan. waxa kaloo aynu dhamaanteen wada ogsoonahay in Qur’aanka ku jirto Suurad loogu magac daray Luqmaan Suuradaasoo magceedu yahay Suuratu Luqmaan.

xikmadihii Luqmaan Al-xakiimLuqmaan,  ayaa had iyo jeer waanin jiray wiilkiisa waxaana ka mid ah xikimadihii Luqmaan:

Aabo inankaygiiyaw iska illaali Deynka Waayo?, Waa Dulliga maalintii iyo Hamiga habeenkii.

Aabo inankaygiiyaw Dadku barigii hore waxay Istusnimada ku samayn jireen wixii la arkayo, laakiin Istusnimadii waxay gashay ilaa wixii Qarsoonaa ee aan la arkayn.

Aabo inankaygiiyaw iska illaali Cadhada waayo?, Bilawgeedu waa waalli, dhamaadkeeduna waa murrugo.

Marka aad Sallaada ku jirto Qalbigaaga dhawr.

Haddii aad cunto cunaysana Cunahaaga Dhawr.

Haddii aad Guri aan kaaga ahayn joogtana Aragaaga Dhawr.

Marka aad dadka dhex joogtana Carrabkaaga dhawr.

Dhamaan xikamadahaa aynu soo sheegnay waa kuwa u baahan in aynu ku dhaqano, iyadoo aynu ku jirno xilli aynu inta badan aaminsanahay in xikmadii inaga guurtay sidaa awgeed aynu qaadano oo ku dhaqano xikmadahaasi waana kuwo haddii aynu ku dhaqano wax badan nolosheena ka badali kara.