Hargeisa (Waxsansheeg News ) Wasiirka Ganacsiga iyo Malgashiga JSL Mudane Dr.Cumar Shucayb Mohamed oo safar shaqo ku maraya dalal kamida  Scandinavians oo haatan ku sugan dalka  Sweden ayaa kulan la qaatay Xildhibaan ka tirsan dalka Sweden

Safarka Wasiirka ayaa iskugu jiray  kaqayb galka  shir balaadhan oo kusabsan  Maalgashiga  JSL   iyo abaabul laxidhiidha  gurmadka  abaaraha dalka  kajira,isaga oo shirar kaladuwan hore ula yeeshay qurbajoogta ku dhaqan dalalkan

Wasiirka ayaa kala halday sidii ay Somaliland  heli lahayd aqoonsi caalamiya waxana si qoto dheer oo cilmiyeysan ugu sheegay sida ay Somaliland oo la aqoonsadaa ay wax wayn uga bedeli lahayd xalada geeska afrika, waxa kale oo ay isla qaadaa dhigeen sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha

soo noqononaya ee dalka Somaliland, Xildhibaan Magnus Oscarsson oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha quudinta xoolaha, waxa uu wasiirku ku casuumay  in uu dalka Yimaado xildhibaanka iyo khabiiro ku xeel dheer sida qoraxda iyo dabaysha  looga dhaliyo tamar, si ay taasi u sahasho in dalku yeesho koronto jaban.

Taas oo uu xildhibaanku ka guddoomay casuumadaas waxana uu isla goobtii ku balan qaaday  in uu dalka iman doono haddii Alle idmo, sannadka danbe bisha kowaad, Xildhibaan Magnus waxa uu sidoo kale ugu balan qaaday wasiirka in uu horgayn doono qadiyada aqoonsiga Somaliland, iyo inuu  usameeyo  saaxiibo ka mid ah golaha aqalka  baarlamaanka  ee Sweden.

Wasiirku waxa uu sidoo kale hoosta  ka xariiqay in caalamku uu hagraday Somaliland iminkana  ay tahay xiligii indhaha caalamku ay eegi lahaayeen dalka Somaliland  oo wax qabsatay iyaga oo aan gacan buuran ka helin beesha caalamka.

Dhinaca kale Wasiirku  waxa uu halkaas hanbalyo ugu soo jeediyey Mikael Torestonson iyo Hussain Wadadyare oo uu ku amaanay sida ay qadiyada Somaliland uga dhaadhicinayaan dalkan Sweden.

Shirkaas oo uu goobjoog ka ahaa Mikael oo ah ergayga gaarka ah ee wasasaaradda arimaha debeda JSL  u qaabilsan qaarada Europe iyo sidoo kale Hussein Wadadyare oo ah ku xigeenka dalada guud ee Sweden.

Mikael waxa uu aad ugu dheeraaday sida Somaliland ay u buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal. Kulanakaas ayaa  dhacay Magaalada Jonkoping qaatayna muddo laba saacadood ah waxa uu kusoo afmeeray is af-garad , wasiirkuna wuxuu ka mahad celiyey sida  fiican ee loogu soo dhoweeyay dalka Sweden.

 

Source :Mikael Torrestonson (Wakiil sharafeedka qaaradda Yurub)