Arbaca .10.oct.2012, Hargeysa (Waxsansheegnews) Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada dib-u-dejinta Somaliland ayaa goor dhawayd maxkamada rafcaanka ee gobolka Hargeysa xoriyadoodii u soo celisay.

Axmed Xamarji iyo Axmed Cilmi Barre oo hore rafcaanb uga qaatay xukunkii ku dhacay, ayaa waxa markii ay dhagaysatay dacwadooda isla-markaana kiiskooda dib u eegtay cadaysay in waxba lagu waaya isla-markaana xoriyadooda u soo celisay.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha dib u dejinta, ayaa markii maxkamadu go’aanka soo saartay lagu soo wareejiyey jidadka Magaaladda Hargeysa, iyadda oo dadku ay salaamayeen, halka dumarkuna ay u mashxaradayeen.

Xamarji iyo Axmed Cilmi Barre oo markaa la hadlay warbaahinta ayaa u mahadnaqay bahda garsoorka Somaliland, ciidamada asluubta, saxaafada iyo cid kasta oo xadhigooda ka hadashay.

 

Hargeysa Waxsansheegnews,