Arbaca 10.oct.2012.Mog.(Waxsansheegnews) Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dhismaha Xukuumadda cusub ee uu doonayo inuu ku dhawaaqo iyo qorshihiisa ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo nooca uu doonayo inay noqoto Xukuumadda uu soo dhisayo iyo qodobo kale oo badan.

 Mr. Saacid waxa uu sheegay in markii la soo magacaabayba uu bilaabay la tashiyo ku aadan dhismaha Xukuumadda, uuna la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qeybo ka mid ah iyo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu sii wadi doono la tashiyada si loo helo buu yiri Xukuumad ku timaada wadatashi balaaran oo ay ka qeybqaateen bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan doonayaa in Xukuumadeyda ay ka duwanaato Xukuumadii hore, ayna ka qeybgalaan maamulkeeda dad aqoonyahano ah, sidoo kale waxaan doonayaa in Xukuumaddan ay noqoto mid tayo leh, isla markaasna dadka ka qeybgalaya aysan yeelan wax dhaawac ah, shaqsi ka dhaawacan dhinaca ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka kama mid noqonayo Xukuumadeyda, si loo gaaro hormarka la tiigsanayo, loogana dhabeeyo isbedelka socda, waxayna Xukuumadeyda xoogga saari doontaa amniga iyo dib u heshiisiinta” ayuu yidhi  Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

“Anigu siyaasi hore ma aheyn laakiin waxaan doonayaa nin doonaya inuu dalka badbaadsho, waana middaasi midda igu kaliftay inaan isku soo taago xilka Ra’isul wasaraha Soomaaliya, mowqifkeyguna waa badbaado doon ee ma aha dhaqaale doon, magacaabisteyda waxay dad badan u horseedi doontaa inay dad badan u u istaagaan wax u qabashada dalkooda iyo dakooda” ayuu yidhi  markale Ra’isul wasaare Shirdoon.

Mogdisho Waxsansheegnews,