Shabakadaha Caankee:Waa Maanso Gaaban Oo Amaanaysa Saxaafad Dhexdhexaadka (Waxa Curiyay Abw, Sidiiq Sh Faarah Gabaar)

Akhrista dadwaynoow Waa Maanso Amaanaysa Saxaafada Dhexdhexaadka Ah Oo Aan Tiriyaya Mud Dhexdaasa Anigaoo Ah Abw, Sidiiq Aw Faarah Gabaar

Shabakadaha Caankee

Sharaftiyo wanaagaba

Shaalka Looga Dhigayee

Shaandheeya  Wararkee

Shiilaya Dhambaalada

waxay Shabacku Leeyiin

Waad Noo Shaqaysaan

Xaasid Idinma Shiidoo

Shiqib Idinma eegoo

Shaydaan Idima Baalmaro

Sheega Wararka Dahabka

Shuba Oo Ukala Dira 

Shanta Qaradoodiyo

Shicibkiina wacnee

Sharaftiina wada Qiray

Abaalkiinu Sheegane

Muraadkaa Ku Shawrtan

Shishewaxaad  U Jeceshiniyo
Shax Shaxdiyo  Barwaaqba

Rabi Haydiin Wada Shubo

Badhaadhaha Kuwada Shira,

Maanta halkaas haynoo Joogto Waa In lagu Faanaa Shirkdaha warkiyo Inta Muwaadiniita Ah waxa wanaagsan Qabtaba.

Wabilaahi Tawfiiq Ilaahay Ayay Mahdi U Sugnaatah Alxamdulilaahi Calaa Kuli Xaal,

By Abw.Sidiiq Sh Farax gabaar
Oslo Norway 
Gaashaan_1986@hotmail.com

 

Suugan