Faalada Todobaadka Waxsansheegnews:Waxaanu Ku Qaada Dhigaynaa Xeerkii Lagu Joojiyay Cashuurta Xoolaha Nool Ee Bariga S/Land ee Lagu Qaadi Jiray Magalada BURCO Loona Wareejiyay Berbera.

Waxsansheegnews:Sida Aynu Wada Oganahay  caasimada Labaad Ee S/Land Burco Oo Ah Laf-Dhabarta dalka Somaliland Markaad Eegto Goboløada galbeedka Iyo Barigana U Dhaxaysa Kuna taala Bugcad Qiimo Badan G/Togdheer Caasimadiisa Burco Ayaa Dhaqaalaha Ugu Buurani Waxa Uu kasoo Gali-Jiray Xoolaha Nool Oo Ay Caan Ku tahay Taas Oo Dhamaanba Gobolada Bariga Iyo Dariska Ka Shisheeya Ay Wakhtiga Carafda Iyo Marwalba Ay Ka Yimaadaan Tiro Badan, Xoolahan Oo  Laguna Kala iibsado magalada Burco  Dhamaanba Xoolaha Nool Oo Ka Kooban GEEL IYO  ADHI Ayaa  Marka Lagu Cashuuro Laguna baadho Caafimaadkooda Magalada Burco  Ayaa Loo Gudbin Jiray Magalada Berbera oo laga Dhioofin Jiray,

Hadaba Markii Xukumadii Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Ay dalka qabsatay Ayu Madaxwayne Cigaal Uu Kusoo Rogay XEER LAYIDHAA XEER 12″ Xeerkan oo Dhigaaya   Cashuurta Xoolaha Nool ee Ay Xaqa u Lahayd Magalada Burco Uu U Wareejiyay Magalada Berbera Taas oo Ahayd Qabyaalad Toosa Iyo Naas Nuujin Loo samaynaayo Gobolka SAAXIL taasina Waxay Aafo Ku Noqotay Iyo Dib U Dhac Dhaqaale G/Togdheer  Hadab Sida xaqiiqda Ah Madaxda G/Togdheer Iyo Odayaal Ayaa ka hadlay Ugana Cawday baarlamaanka Ilaa maantana wax Laga qabtay Majiro DULMIGAAS CAD Ee Uu Ka Tagay Ina xaji Ibraahim Cigaal,

Hadaba waxa haboon Si Mug Iyo Miisaan Leh Oo wadajira Inay Uga daba tagaan Dhamaanba Maamulka Madaxda Iyo Odayaasha Aqoonyahanka G/Togdheer Lana Soo Nodaan Casuurtooda Xoolaha Nool Si Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariga Somaliland Ay Usoo Kabtaan Una Soo Kacan Oo Ay Dib Ugu Bilaabaan Horumarka Dalka Si Ay Ula tartamaan Goboølada Galbeedka Ee gaarka Loogu Miiso Miisaaniyada Iyo Dhaqaalaha Dalka.

Warabaahinta Waxsansheegnews/Office

Info@Waxsansheeg.com