London-Waxsansheeg News)  Wariyahan oo ah Wariye C/xaafid Cawad Ismaciil oo ka mid ahaa Hawl wadeenada HCTV ee Magaalada London ayaa waxa uu shaqo ka helay Idaacadaasi oo si wayn looga dhagaysto Dhulka ay Soomalidu degto Dhamaan Bahda Shabakada Calamigaa Ee Waxsansheeg News Shaqaalaha Iyo Maamulkuba Waxay Leyiin Hanbalyo

Sax

Wariye C/xaafid Oo ah Wariye dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa Noqonaya Wariyii Labaad ee Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somliland ee Mudo Hal Sano Gudaheed ah ka hawl gala Studiyowga BBC Da Qabteeda Afka Somaliland gaar ahaan xaunta Magaalada London.

Idaacada oo ah kuwa ugu da,da wayn Warbaahinta Caalamka ayaa waxa Tobankii Sano ee ugu danbeeyey si wayn u saluug sanaa dadka Reer Somaliland oo ku anadacoonaya in aanay dhex ka ahayn arimaha Soomaalida, iyada oo hore Idaacadaasi ay Shaqaalaheeda uga mid ahaan Jireen Wariyayaashii Soomalida kuwoodii ugu caansanaa kuwaasi oo intooda badan ka soo jeeda Deegaanada Somaliland.

iyada oo ay wariyayaashaasi uga tageen ka dib markii ay xarunta BBC,da ka dhex bilaabntay hab ka baxsan Shaqada iyo xifaaltan dhex maray Wariyayaashii ka soo jeeday Koonfurta Somaliya iyo Dhulka Somaliland taasi oo keentay in ay meesha ka dareeraan badiba Wariyayaashii ka soo jeeday Dhulka Somaliland,

Waxaana xilligaasi maamulka Idaacada BBc,da Qaybteda Laanta Afka Soomaliga Gacanta ku hayay Wariye Yuusuf Garaad Omer oo lagu tiriyo Raga Wariyayaasha ah ee sida wayn uga soo hor jeeday Gooni Goosad Gobolada Waqooyi ee Somaliland,

Wariyaha haatan sida toos ka ah uga hawl galay ee C/xaafid Cawad ayaa Noqonayaa kii labaad ee ka soo jeeda Somaliland kanashaqo gala Idaacadasi Sanad Gudihii waxaana ka horeereyey

Wariye Cabdiraxmaan Bidhaan