Hargeysa:(Waxsansheegnews)-Shirkadda hawlaha shiidaal qodista ka waday goboladda barri ee dalka Genel Energy ayaa sheegtay inay dib u bilaabayso hawshii ay ka waday wadanka, sidaasna waxa shaaca ka qaaday war-murtiyeed ay maanta soo saartay xukuumadda Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Wefti Wasiirro ah oo ku sugan Magaaladda London ee dalka Ingiriiska ay kulan kula yeesheen masuuliyiinta shirkadda Genel Energy isla markaana ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo qorshihii labada dhinac wada wadeen.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Wasiirada Arrimaha dibedda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhis ah ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga Wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegayn Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadi doonto.

Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoog leh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday wax kasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.

Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay Wasiirrada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.”

Hargeysa Waxsansheegnews

Xigasho Somaliland.org

Wasiirka-arrimaha-dibadda2