Hargeysa:(waxsansheegnews)-Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay waaxyo cusub ku soo kordhisay wasaaraddaasi, kuna hawlan tahay qorshe lagaga shaqaysiinayo Waaxda Dhambaal Gudbiyaha Qaranka ama Boosaha (Post) oo aan sidii Wasaaradda loo aasaasay la sameyn iyo tababaro loo fidinayo shaqaalaha ka hawl-gala wasaaaradda si aqoontooda loo kobciyo.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay sheegtay inay sanadkan qaadanayso shaqaale cusub si loo tayeeyo Shaqada ay qabato iyo inay Xafiisyo ka furanayso Goboladda dalka oo dhan, si adeega maamulka Isgaadhsiinta dalka loo gaadhsiiyo,sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Faysal Cali Sheekh oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Faysal CalI Sheekh, waxa kale oo uu intaasi ku daray in Dhismaha cusub ee wasaaradda loo dhisayaa bilow u yahay qorsheyaasha lagu dar dar gelinay shaqada ay Wasaaraddu qaranka u hayso oo aan halkii loogu tallo galay gaadhsiisnayn “Waxqabadkayaga waxaanu ka bilownay inaanu dib u habeyn ku sameyno shaqada wasaaradda, waxa dhawaan la dhagax dhigay Dhisme weyn oo Wasaaraddu dhisanayso, waayo kan iminka aanu ku jirnaa waa dhisme gaboobay, cid kuma qaabili kartid, waxaanu dhisnaa mudo dheer, wasaaraddana kuma filna”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Waxaanu intaasi raaciyay “Dhismuhu marka uu noo dhamaado waxa noo qorsheysan inaanu sameyno Xafiisyo wasaaraddu ka furanayso Goboladda, inaanu kicino Fariin gudbiye qaranku yeelanayo (Post) oo muhiimad weyn u yeelan doona Isgaadhsiinta Qaranka iyo inaanu aqoonta shaqaalaha kor u qaadno oo tababaro loo furo shaqaalaha wasaaradda”.

Mar uu ka waramayay Waaxyo cusub oo ay wasaaradda ku soo kordhiyeen waxa uu yihi “Wasaaraddu waxay ka koobnayd Saddex Waaxood oo kala ahaa Waaxda Isgaadhsiinta,Waaxda Boosaha iyo Waaxda Maamulka , markaa waxaanu ku soo kordhinay waaxda Qorsheynta iyo Maamulka”.

Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh waxa kale uu sheegay in Xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, doonayaana inay sii wanaajiyaan wada shaqeynta ka dhaxaysa, si buu yidhi loo horumariyo Adeega Isgaadhsiinta dalka.

Geesta kale Agaasimuhu waxa uu sheegay “ sanadkan waxaanu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta inaanu kordhino shaqaalaha wasaaradda oo aanu shaqaale cusub qaadano, si aanu u balaadhino shaqada wasaaradda”ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkan dhagax dhigay Dhismaha cusub ee Agaasimuhu sheegay in wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta loo dhisayo, iyadoo dhinaca kalena todobaadkii hore Wasiirka Wasaaradaasi Golaha wakiiladda ka hor-jeediyay warbixin uu ku soo qaaday adeegyo badan oo ay doonayaan inay wasaaradda ku soo kordhiyaan.

Dar-dartan cusub ee ay Madaxda Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu ka dhawaajiyeen ayaa ku soo beegmaya xili ay shaqada hayeen muddo laba bilood iyo badh aan ka badnayn, waxaana hadii ay ku guulaystaan yoolkooda muuqda inay wax ka midho dhaleen ujeedadii madaxweynuhu isbedelka maamul ugu sameeyay.

Hargeysa Waxsansheegnews

Xigasho Somaliland.org