Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Hambalyo uu ku dhiirigelinayo u diray ardaydii ka qalin jebiyey Jaamacadaha Admas iyo Golis  Universities.

.

 

Ogaada dadkii idinka horeeyey dalkan waxay ku xoreeyeen qori balse nasiib wanaag idinka waxaa la idiinka rabaa inaad qalbi Fiican iyo Qalin ku barbar istaagtaan dalkiina.

 

Waxa aan hambalyo u dirayaa aniga oo ku dhiirigelinayaa ardayda sahrafta iyo qiimaha badan ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha admas iyo Golis  Universities  inay ogaadaan sidii madaxweynuhuba u sheegay inay yihiin cida qarankani sugaayo ee Bulshadoodu  ku xisaabtamayso. in ay ku dedaalaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen aafada beryahan curyaamisay ee duulimaadka ku ah qarankani in uu yeesho madax u soo kacda oo aqoon iyo karti dheeraada u yeesha wax ka qabashada dhaqaalaha, Caafimaadka, Beeraha, Siyaasada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan  Dalkan.

 

Waxa aan ku diirsaday runtii markii aan arkay qiimaha iyo sharafta maamuusku ku dheehan yahay ee Ardaydii ka qalinjebisay admas iyo Golis  ay ku soo bandhigeen goobta xaflada waxa niyadayda qaaday qiiro waxa aan xasuustay oon dib u jaleecay kumanaanka inaga tahriibay een meelna maanta haysan ee naftoodii ku waayey saxaraha iyo badaha iyo kumanaanka kale ee maanta ku cadilan wadamada shisheeye.

 

Aniga oo jecel horumarka dhalin yarada Somaliland meel ay joogaanba waxa aan ku dhiirigelinayaa in ay noqdaan kuwo aamina dalkooda dadkooda oo wax kula soo baxa aqoonta iyo qalinkooda, aniga oo la hadlaaya dhamaan Ardayda Somaliland kuwa hada qalinjebiyey iyo kuwa hore u qalin-jebiyeyba.

 

Midna maanka ku haya oo ha ilaawina ayaan idin leeyahay inaad tihiin mustaqablkii dalkan, indhihii dadkani yeelan lahaa ee la doonayey inay ku hagaan aqoon iyo waayo aragnimo dheeraada.

 

ogsoonadana inaad nasiib u hesheen inaad Dalkan u haysataan mustaqbal dheer oo aad kaga bogan kartaan god-daloolooyinkiisa iyo baahiyihiisa idinka oo guryihiina ka soo toosaya si nabada midna waa lagama maarnaan oo waxa ay tahay inaad ku dedaashaan inaad walaalkaaga qaldan toosisid ood dareensiyo inuu yahay Mustaqabkii  beri,  balse hadii uu naftiisa halligo uu noqonaayo tiir aboor cunay oo markii hore is dayacay balse hadii uu meel qiimo badan sida dalkiisa oo kale uu ku tiirsanaan lahaa uu noqon lahaa Hormood ay ku daydaan jilasha soo koraya ee ka danbeeya isaga.

 

Ogaada dadkii idinka horeeyey dalkan waxay ku xoreeyeen qori balse nasiib wanaag idinka waxaa la idiinka rabaa inaad qalbi Fiican iyo Qalin ku barbar istaagtaan dalkiina.

Waxaan mahad u jeedinayaa Maamulka ii gartay in ay Shahaado igu maamusaan, waxaan leeyahay waxaan u arki doonaa abaal marintan mid aad uuga jeedaan halkaa ka sii dheeree oo aad igu dareensiinaysaan wehel iyo waano dardar galin ah.

 

Ugu danbayn waxa aan mahadnaq balaadhan u dirayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadaha  Admas iyo Golis  sidoo kalena waxa aan mid taasi la mida u dirayaa jaamacadaha dalka ee kala duwan waxanan ku hambalyeynayaa sida qiimaha badan ee ay da’ayarta dalka wax u baraan iyaga oo dalkooda jooga……

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

xir tnk