Fadalow: Adiga iyo Gudoomiye Ciro ayaa mudan inaad xilalka xaaraanta u haysataan ummada u celisaane- boolidaa watoo ha isku baaqina!
 
Qore: Abdiraxman Muse- Berbera
Akhristayaasha sharafta leh, salaanta islaamka ka dib, waxaan maanta u holaday inaan jawaab kooban ka bixiyo dhaliilo xubno xisbiga Wadani shalay warbaahinta u mariyeen xukuumada taasoo annigu weedho kale I xusuusiyey aan jeclaystay inaan idiinla wadaago.
Ugu horeyn qofku markuu talooyin jeedinayo, caqligu waxuu ku siinayaa inuu yahay mid isagu ku camal falay talladaa, markaa ayuu cid kale ku biirin karaa, ilayn waxuu ka horimanayaa (tiisaba daryeelaa, tu kale ku dara)
 
Xumaantu way caddahay, wanaaguna wuu cad yahay, wax kastoo niyadaada aan cidhiidhi gelinayn wuu saxsan yahay, hadka wax kastoo aad adiguba shaki laabtaada geliya xalaal maaha, haddaba hadaan u soo noqdo Maxamed C. Fadal waxuu ku astaysan yahay xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga Wadani, halka sidoo kalena ku magacaaban yahay agaasimaha ururka SORADI (Kooxda Aqoonayahnka madaxbanaan), haddaba waxa isweydiin leh, ma quman tahay qof aqoonyahan sheeganaya inuu kala garan waayo sido laba xi loon is-qaban…ilayn ummadu maaha juhalo aan wax ogeyne?
 
Weli waxaan ku qoslaa sheeko la iiga sheekeeyey wakhti ururka SORADI siminaar u qabtay warbaahinta madaxbanaan uu weriye la yidhaahdo Maxamuud Walaaleye weydiiyey su’aal u dhignayd “Buug halkan yaala waxa ku sawiran xubno lagu magacaabay kooxda aqoonyahanka madaxabanaan, balse ay ku jiraan xubno badan oo wasiiro iyo agaasimayaal ah, haddaba xillima ayey madaxbanaanida aad sheegateen hirgelaysaa ma xilligan oo xilal ay hayaan mise xilliga aanay hayn (haddana Fadalna waa la mid oo xil kale ayuu hayaa), waxuu fadal ugu jawaabay weriyahii su’aasha weydiiyey,”Immika halkan kaagama jawaabi karee, xafiiska iigu kaalay)! Maxaa idiinka baxay akhristayaal?
 
Waxa kaloo jirta in gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo gudoomiyha Wadani in badan loo jeediyey inuu labada xil een is-geyn mid ku hadhow, nasiib daro waxuu Cabdiraxmaan Ciro daliil ka dhigtay ma jiro “sharci ii diidaya” nasiib daro, hadii sharci aanu jirin miyaanay ahayn wax caqliga saliimka ah diidayo, qof xeerarkii saamaynta ku lahaa isagu qeyb ka ah qoritaankooda ama afka qalaad loo yaqaan (conflict of interest), maxaa yeelay, siduu dhex ugu ahaanayaa xisbiyadii kale la sinaa masuul fadhiya halkii xeerarkii lagu dhaqayey isagu qoraya, damiirka saxan, dadnimo iyo xilkasnimo midna kuma haboona, mise Fadal iyo Cabdiraxmaan Ciro bulshada reer Somaliland ayey u haystaan inay ka caqli roon yihiin, waxa jiray weedho ku jiray tix hore “Bulshadaydu waa diric…dib bay u dhigaan mid kastoo dalab leh..doqonse maaha”
 
Waxaan kaga baxayaa “Fadalow, adiga iyo saaxiibkaa c/raxman Ciro mudan inaan xilalka xaaraanta u haysaan ummada u celisaane-Nimanyahow boolidaa watoo-ha isku baaqina”