Warbixin ka soo baxdey xafiiska madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegtey in madaxweynuhu geeriyoodey saacada yar kadib markii loo qaadey cisbitaalka.
Da’ada madaxweynuhu ayaa ahayd 68.
Xafiiska madaxtooyada ayaa geerida ku tilmaamey mid naxdin leh oo lama filaan ahayd.
Atta-Mills ayaa talada dalkaasi qabtey bishii Januray sanadkii 2009-ka.
Nin kalkaaliye u ahaa madaxweynaha oo ka gaabsadey in la soo xigta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegey in maadxweynaha uu xanuun ka sheegtey maalintii isniinta oo uuna geeriyoodey duhurkii talaadada.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale sheegtey in madaxweynuhu uu dhawaantan ka soo laabtey dalka Maraykanka oo uu tegay baaritaanno dhanka caafimaadka ah.


