Magaalada New York ayaa 7-dii sano u dambeysay ahayd magaalada bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin.Shiinaha oo si degdeg ah u xakameeyay feyriska Corona, shirkadaheeda tiknoolajiyada oo sii kobcaya iyo suuqyadeeda saamiyada ayaa gacan ka geystay korarka bilyaneerada dalkaasi.

Inkastoo Beijing ay ku nool yihiin bilyanerada ugu badan caalamka ayaa hadana waxaa wali bilyaneerada New York ay ka lacag badan yihiin marka la isku daro kuwa ku nool Beijing.

Ganacsadaha ugu taajirsan magaalada Beijing’ ayaa waxaa lagu magacaabo Zhang Yiming.

Zhang Yiming ayaa ah ninka asaasay shirkadda muuqaalada ee TikTok.

Yiming waxaa hantidiisa lagu sheegay in ay gaarayso $35.6 bilyan.

Maalqabeenka ugu taajirsan magaalada New York Michael Bloomberg, ayaa waxaa hantiisu ay gaaraysaa $59 bilyan.

17 saacadood-ba bilyaneer

Waxaa liiska bilyaneerada caalamka sanadkii aanu so dhaafnay ku soo biiray 493 qof.

Arrintan ayaa micnaheedu tahay in 17 saacadod-ba uu hal bilyaneer ku soo biirayay sida ay shaacisay jariiradda, Forbes.

Dalka Hindiya ayaa kaalinta saddaxad soo galay oo noqday dalka bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin.

Waxa dalka Hindiya ku nool guud ahaan 140 bilyaneer.

Jeff Bezos, oo ah asaasaha iyo madaxa shirkadda Amazon, ayaa wali ah ninka ugu taajirsan oo ugu maal badan caalamka.

Hantidiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay sii kobceysay oo ay imika gaartay $64bn to