Puntland ayaa sheegtey in ay gacanteeda ku soo celinayso magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo oo ay ka arrimiso Somaliland. “Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna iyada oo aan howl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa”. -Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Dhaban-cad.