Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhexmaray galbeedka fog ee gobolka Siti ciidamada Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Canfarta dalka Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku sababay dhimasho iyo dhawaac labada dhinac ah, iyadoo dagaalka xooggiisu uu ka dhacay magaalooyinka xuduudka teedsan ee gobolka Siti, Ma jiro war rasmi ah oo kasoo kala baxay labada dhinac ee dagaallamay. Dagaalkan ayaa sababay muran dhinaca dhulka ah oo u dhaxeeya labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo goobaha ay Canfartu sheeganayso ay degan yihiin shacab Soomaaliyeed.