Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa maalinkii siddeedaad karantiil ku ah dalka Burundi, kaddib markii laga heley xanuunka safmarka ah ee COVID19. Wasiirka ayaa laga heley xanuunka markii uu ka degey dalkaasi ee uu ka tegey Muqdisho maalmo ka hor, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Maxamed Cabdirisaaq hadda xaaladiisu wanaagsantahay isla markaana aanay ka muuqan calaado khatar ah.

Maxamed Cabdirisaaq: 'DFS waxaa laga gudbiyay in aysan rabin heshiis & Doorasho'. - Mustaqbal Radio