Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ahna Musharaxa Golaha Wakiilada Professor Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Saaka Safar Ku Tagay Degmada Qadiimiga ah Yagoori Ee Gobalka Sool . Ujeedka Safarkan Ayaa Daarnaa u kuur Galida Habsami u socodka Kaadh Badalka Ee Komoshinka Doroshooyinka Qaranku ka wadaan Degaankaasi. Geesta Kale Wasiirka Ayaa U Kuur Galay Xalada Dadka Degaankaasi isagoo ku Boqonayay shacabka Gobaha Ganacsiga Iyo Meelaha ay dadku Iskugu Yimadaan Kuna Wacyigalinayay Sidii Dadka Kaadhku Ka Lumay U Qaadan Lahayeen. Ugu dambeyntii wasiir faratoon ayaa lagu wadaa in uu iska casilo wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda madaxweyne biixi iyadoo lagu wado in wasiir faratoon uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ee xisbiga kulmiye, maadaama xisbiga kulmiye iyo xukuumaddiisu ka cabsi qabto in xisbiga waddani la wareego guddoomiyenimada golaha wakiilada somaliland oo ah ha’ayadd muhiim u ah xukuumadda somaliland ee wakhtigan talada haysa, in kastoo la dhawrayo xiliga kama dambeysta ah ee uu wasiir faratoon hargeysa ku imanyo oo lagu wado in uu iscasilaaddiisa u gudbiyo madaxweyne muuse biixi cabdi