MATALAADII SOMALILAND EE BEEN ABUURKA AHEYD EE MUQDISHO OO NOQOTEY MADFAC KU QARXAY SOMALIYA .

Dadka Somaliland ka soo jeeda ee Xamar u shaqategey ee wadankooda Somaliland khaa’imay in Farmaajo sidaa ula dhaqmo oo Muqdisho lagu bahdilo maantana ay Xamar ka calaacalaan waa arin Somaliland guul u ah sidoo kalana matalaadii Somaliland ee been abuurka aheyd waxay khalkhal gelisey siyaasadii Soomaaliya.
Hadii maamul goboleedyadu awooda doorashada hogaamin lahaayeen amaba doorweyn ku lahaan lahaayeen awooda hogaaminta doorashada amaba sidoo kale hadii Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif awooda hogaaminta Somaliya maanta ka talin lahaayeen sidii hore u dhacdey Puntland waxay si hawl yar u maamulan lahayd si xor ahna u soo xulan lahayd tirada dadka labada golle ee baarlamaam ku sheega laga soo magacaabo Sool iyo Sanaag Bari, inta kale ee degaanada kale ee Somaliland ka soo jeedana Muqdisho ayaa lagu qaybsan lahaa iyada oo lagu dhabar jabinayo laguna waxyeelaynayo qadiyada dib ula soo noqoshada madaxbaanida qaranimada gooni isu taaga Somaliland.
Muranka ka taagan iyo dhibaatooyinka carqalada weyn ku haya doorashada baarlamaanka Somaliya waxaa qeybta ugu weyn ah cida maamuleysa amaba soo xuleysa baarlamaan ku sheega matalaya Somaliland iyo arinta gobolka Gedo sidaa daraadeed waa in dawlada Somaliland UN-ta iyo guud ahaanba beesha caalamka u gudbisaa dacwad eedeyn iyo talo ahaanba ah in meesha laga saaro dadka been abuurka ah iyo baarlamaan ku sheega lagu magacaabayo dad aaney matalin isla iyo markaana carqalad ku ah geedi socodka hanaanka doorashada iyo xasiloonida Somaliya, hadii Somaliland laga dhageysan waayo dacwada iyo talo soo jeedintaa waa in Somaliland go’aan ku gaadhaa una cadeysaa UN-ta, beesha caalamka iyo Somaliyaba in Somaliland joojisey wadahadaladii ilaa iyo inta ay Somaliya joojineyso waxyeelada, kala qaybinta iyo dhibaatooyinka ay ku hayso qaranimada Somaliland iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland hadey tahay xaga xasiloonida, wadajirka iyo guud ahaanba nabadgalyada umada reer Somaliland.