Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in maalinta Berri ah uu safar ugu baxo Gobollada Bariga Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu xadhiga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaalada berbera, Madaxwenaha Somaliland ayaa sidoo kale maalinta isniinta lagu wadaa in uu ka qayb galo qalin jebinta jaamacada Burco.
Madaxweynaha ayaa inta uu safarka ku jiro waxa uu dhagax dhigi doonaa wadada isku xidha Burco iyo Oodweyne oo xukuumadiisu hirgalisay.