Dagaalkii ka Dhacay Laamiga Isku Xidha Somaliland Iyo Somaliya By Abdi Abdillaahi Xasan Taliye Urur 1988 Soo Galkii Burco.

Dagaalkii ka dhacay laamiga isku xidha Somaliland iyo Somaliya.

Marka laga hadlayo dagaalkii gudagalka ee SNM ee gobolka Togdheer. Waxaa muhiim in la xuso dagaalkii laamiga; dagaaladaas oo ciidamadii SNM ee laamiga ka dagaalameyey ay guulo badan kasoo hoyeen; ciidamada cadowgana loogu gaystay qasaare balaadhan.

Ciidankan oo markii danbe uu taliye u noqday Cabdiraxman Maxamed Case. Waxa taliye ka ahaa Jamac Doolaal; waxaana abbaanduulena u ahaa Cisman Nuur. ciidankani wuxuu ka koobnaa 60 askari.

Waxay maalin isniin ah oo bisha ahayd 30 kii May 1988kii ciidankii waxay weerareen oo qabsadeen Tuulada Ununlay oo u dhaw degmada Beer. Halkaas oo ay ka guulaysteen ciidamadii halkaas joogay. Waxaana markiiba soo gaadhay gurmad dadkii degaanka oo qoriga qaatay awgeed; saacado yar Kadibna waxay ciidankaasi gaadheen ilaa 200 askari.

Isla markia ayaa faqashtii kusoo qaadeen weerar celin dhinac walba ah.

Ciidankaasi SNM oo ujeedadoodu ahayd inay halkaas saldhig ka dhigtaan si loo kala jaro gurmadkii ciidanka cawdowgii faqashta ee waqooyi iyo koonfur.

Isla maalintaas 5 jeer baa Faqashtu weerar ba’an soo rogaal celiyeen ; afar jeer baa la jebiyey ciidankii cadawga; mar shanaadkii baa waxaa weerar ciidamo laba aabudh ah oo wata tawaangi iyo tikniko kale oo badan ay soo weerareen ciidankii SNM ee joogay Ununlay.

Ciidankii dagaal yahamiinta SNM waxay markaas dib uga ruqaansadeen Unuunlay waxaanay degaan oo saldhig ka dhigtaan Gunbur libaax.

Ciidanka SNM dhawr meelood baa gurmad uga yimid oo tiradoodii badatay waxaa badh kamid ah gurmad ahaan loogu diray Burco.

Waxaa markaas yimid oo ciidankii taliye u noqday Cabdiraxman Maxamed Case . Waxaana ciidankani jid gooyo iyo weerar joogo ah oo maalin kastaba ah ku qaadeen jidka laamiga. Waxaanay ka ka hawlgeli jireen inta u dhaxaysa Beer iyo Caynaba. Goobaha dagaaladu sida joogtaa ah uga dhici jireen waxaa kamid ahaa Ina afmadoobe; Qoryaale; Gaatama iyo Kirir.

Waxaanay ciidan SNM ee saldhigoodu ahaa Gunbur libaax ku guulaysteen in ciidamadii cadowgu si nabad ah ku mari kari waayaan jidka laamiga.

Mid ka mid ah dadkii dagaalkaas ka qayb galay kuna dhaawacmay ayaa ii sheegay inay jidka ugooyeen si aan barkaddu u buuxsamin oo ula jeedo in aan ciidanka cadowgu helin gurmad hafiya dagaal yahamiintii SNM ee ku jiray Magaalooyinka waaweyn oo ay rasaasta iyo saadkuba ay ku yaraadeen.

Haddaba markii ciidamadii SNM ay farsamo ahaan ugasoo baxeen Burco iyagoo sameeyey dibugurasho xeel dagaal. Ciidankii qaybta koowaad ee taliyaha u ahaa Aden Saleban waxay soo degaan Gunbur libaax.

Halka qaybtii labaad uu taliyaha u ahaa Axmed Mire ay degaan Jameecadda Caynaanshaha.

Ciidanka qaybta koowaad waxaa markii danbe ee Cabdiraxman Maxamed Case dhaawacmay weerar culus oo ciidankii faqashtu kusoo qaadeen taliskii SNM ee Gunbur libaax.

Waxaa taliskii loosoo raray Jamac Liban waxaana taliye qaybeed looga dhigay Muse Xasan Dhunkaal(Muse Bidaar) oo katirsanaa saraakiisha sare ee SNM.

Waxaana ciidamada aaga Madina wadajir uwada fulin jireen hawlgalada lagu wiiqayo awoodda ciidamada cadowga. Waxaana sidoo kale iska kaashan jireen difaaca saldhigyada SNM iyo weeraradii cadowgu kusoo bartil maameedsan jireen shacbiga Somaliland ee degaanada ku nool si aanay u xasuuqin.

Waxaana la xoojiyey weeraradii is dabajooga ahaa ee lagu qaadi jiray saldhigyadii ciidamada ee difaaca kaga jiray laamiga si ay u difaacaan isu socodka waddada laamiga ee isku xidha Waqooyi iyo Koonfur. Waxaana dagaaladii halkaas ka dhacay ay Ciidamadii xaq u dirirka ee SNM ay kasoo hooyeen guulo la taagan karo.

Dagaalku markii danbe wuxuu u gudbay gobolada Somaliland oo dhan gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

Waxaana dagaaladaasi sodden ilaa intii dalka laga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre dhammaadkii January 1991kii.

Lasoco qaybaha danbe.

Waad mahadsantihiin;

Mujaahid Cabdi Cabdillahi Xasan Mataan.

Abdillaahi Xasan Taliye Urur 1988 Soo Galkii Burco.