Goor-sheegtu siddeedii habeennimo ayay gadaal martay. Munaasibad gingiman ayaan gudaha u soo galay. Gadhmadoobayaal door ah, iyo gashaantimo qurxoon ayaa soo gambadhuudhey. Si heer sarraysa ayaa loo hagayey. Saaxiibbo suudhadh ku taagan, ayaa sagxadda ka ciyaarayey. Hablaha kuraasta waa lagala hor cararayey; ragga se qaarkood way iska taagnaayeen. Qur’aanka kariimka ah ayaa lagu furay. Heesta qaranka ayaa lagu xijiyey. Halka heesta loo kacay, qur’aanka waa lagu hadlayey. Ma garanayo goorta uu qaraamku qur’aanka ka qiimo batay. Dhallinyaro ayaa dhaanto dheelaysey. Cumar binu Cafuuf caawa waa joogey; maamuuska se ayaa madax maray, oo warka Music-ga uma uusan jeedin. Muraad, ayaa lagu magacaabay maayirka gobollada Bari. Ammaan ta ayaa laga badiyey, oo aad ayaa loo buun buuninayey. Hadda, saaxiibkay Kamaal Dhuux ayaa masraxa soo koray; waa guddoomiyaha barnaamijka loo bixiyey “Qiimee qofkaaga”, oo siddeed bilood ka hor Burco lagu qabtay. Durbadiiba hadal ayuu daldalay. Dadkii danta guud wax ka qabtay ayaanu abaal-marinaynaa ayuu yidhi. 35 xubnood ayuu sheegay in ay sharfi doonaan. Maayir Muraad ayaa noqday, qofkii kowaad ee la maamuuso, isaga oo lagu tilmaamay in uu yahay qofkii ugu wax-qabadka badnaa. Hadda waa maayirkii waddooyinka jayga ku saydhin jirey. Maayirkii dadka qaar u roonaa, ee dariiqa dejin jirey. Hanti-urursadihii hadal yaqaanka ahaa. Shirkadda laydhka ee HECO ayaa iyana la sharfay; waa shirkadda marka ay damacdo damisa, marka ay doontana daarta. Dhiig-miiratada laf-dhuun-gashay ku noqotay dhammaan bulshada Burco. Laba xildhibaan ayaa si xad dhaaf ah loo xayaysiinayey. Maamuusku madashan uun ma ahayn, ee mid ayaa uga horraysey. Caawa se ammaanta wareerka ah ayaa u dheerayd. Hadda xildhibaannadani xafladaha ayuun bay ka botoriyaan. Saraakiil ay laaluush-qaatayaal ku sheegayeen ayay maamuusayeen. Goorta uu musuqmaasuqu maamuus yeeshay anigu ma ogi. Saxafiyiintii sida gaarka ula shaqaysay ayuu saaxiibkeen u abaal-gudey; waa kuwii xafladda u duubayey e. Kuwo kale wuu ku raalligelinayey; kuwa na wuu ku soo jiidanayey, si ay barnaamijyada dambe ugu baahiyaan. Ma diidani dadka u qalma in la sharfo; balse waxa aan qabaa in ay boqolkiiba saddex ka yaraayeen, soddomeeyadan qof ee sawirrada laga qaatay.

Inkasta oo qiimaynta bulshada kolka hore ba aynu ku liidanno, waxa ay tani u muuqatey mid loo kasay oo kadab kii ka galay. Walow aanay mudnayn ba in aan is barbar dhigo, waxa aynu maqal naa Billadda “Nobel Peace Price” iyo “Fardafuulka sharfan” tolow ma is wayddiiney, sidee ayaa bulshada caalamka lagaga xushaa qofka mutaysta in la siiyo billaddaasi?

Munaasibaddan habeenkii xalay ka dhacday, Hass Hotel. Dad fara badan ayaa dhabanno-hays kala gudey. Qaar ayaa u arkayey munaasibad dadkii wax gashaday loogu abaal-celinayo, qaar kale na waxa ay ugu muuqatey madal caways iyo madadaalo jimce lagu sagootinayo.
Ugu dambayn su’aalo dhawr ah ayaan u dhaafayaa bulshada, iyo ciddii waddey barnaamijkan loogu yeedhay “Qiimee qofkaaga” anna aan u magac-bixiyey “Qiimayntii la qalin-shubateeyey.” Waa marka hora e, miisaanka qiimayntan la saaray iyo qaacidada lagu dabbaqay ayaan marti uga ahay, ciddii soo agaasintey barnaamijkan sida wanaagsan looga soo shaqeeyey? Yaa wax qiimeeya? Marka laga yimaaddo saaxiibkay Kamaal Dhuux, ma jirtaa guddi gaar ah oo caddaalad iyo aqoon ku dhisan oo u qaabbilsan qiimaynta bulshada gobolka Togdheer? Haddii ay jiraan ba, sidee ayay ku xushaan xubnaha danta guud wax ka qabtay? Mise xaalku waa qiimee qofka aad jeclaysato?

W/Q: Maxamuud Jeesto