Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood.

Qoraalka waxaa lagu sheegay hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya.
Halkaan hoose ka akhriso bayaaanka dowladda.