WAR SAXAAFADEED
Muqdisho – Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxay manta so dhawaysay Wafdi heer sare ah oo ka socda xafiisyada u sareeya
Hay’adda Caafimaad ka Aduunka (WHO) si loo sii ambaqaado ajendaha iyo hirgelinta qorshe- hawleedka lagu wajahayo Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.
Wafdigaan ayaa daba socda wafdigii hore ee uu hogaaminayey Agaasime-goboleedka ee Xafiiska Gobolka Bariga iyo Mediterranean (EMRO); Dr. Ahmed Almandhari, oo marti ku ahaa xafladda daahfurka Qorshe-hawleedka lagu wajahayo daryeelka caafimaad loodhanyahayee Soomaaliya. Booqashadan waxay waxbadan ka tari doontaa:I. xoojina iskaashiga Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada iyo Hay’adda Caafimaadka Addunka ee ku aadan fulinta qorshe-hawleedka Wasaaradda u samaysay bixinta Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee Soomaliya.II. Kor u qaadida iyo soo jiidashada taageerada caalamiga ee ku wajahan taageeridda Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada fulinta qorshe-hawleedka bixinta Daryeelka Caafimaad Loodhanyahay ee dalka.Ujeeddooyinka Booqadashada Wafdiga:I. U kuur galid xaaladda iyo fursadaha fulinta caafimaadka loodhanyahay ee dalka laga hirgalinayo. Wasaaraddu iyo Wafdiga waxay si wadajir ah u booqan doonaan gooba adeeg bixinta caafimaadka oo ku kala yaallo magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Somali Federal RepublicMinistry of Health & Human Services
Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada
جمهـــــوريـة الصـــــــومــال الفيــــــدراليةوزارة الصحـــــــــــة ورعـــــــــاية اجملت ــــــــمع
Follow us on: Website: www.moh.gov.so Facebook: Ministry of Health- Somalia Twitter: MoH_SomaliaII. Waxay sidoo kale kala qayb qaadan doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kulanka wasaaradaha kale iyo laamaha sharci dajinta iyo kuwa fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu ololeeyaan dadaalka joogtadaah ee siyaasadeed iyo wax qabad ka dhinacyada badan ee ku wajahan gaarista guud ahaan caafimaadka loodhan yahay dalka.III. In ay Wasaarada ka caawiyaan samaynta istiraatiijiyado isla markaana ay abaabulaan ilo dhaqaale oo lagu hirgalinayo qorshe-hawleedka tubta caafimaadka loodhan yahay. Hawlaha Booqadashada Wafdiga:IV. Munaasabada soo dhoweynta iyo kala warqaadashada kadib, Waxaa xigi doono booqashada qaar kamid ah goobaha bixinta adeegyada caafimaadka iyada oo lala kaashanayo Wasaaradaha Caafimaadka ee xubnaha ka ah Dowaladda Federaalka.I. La kulanka laamaha sharci dejinta, fulinta iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada si ay uyeeshaan dood iyo wadahadallo siyaasadeed oo la xariiro adeeg bixinta caafimaadka, iyo joogteynta ballanqaad siyaasadeed ee ku aaddan hirgelinta qorshaha caafimaadka loodhan yahay.II. Kulamo falanqayn oo si qoto dheer leh wasaaraduu ugala hadli doonto Wafdiga WHO hirgalinta iyo abaabulidda dhaqaale loogu talagalay qorshe-hawleedka caafimaadka loodhan yahay.
Wixii faaffaahin dheeraad ah, waxaad kala xiriirtaa:Mudane: Mohamed Abdulkadir HersiMadaxa Xiriirinta iyo WarbaahintaWasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka BulshadaJamhuuriyadda Federaalka ee SoomaaliyaEmail: communication@moh.gov.so