WAR-SAXAAFADEED

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxa dareen aad u Taban ay ka muujinayaan marxalada cakiran ee waddanku wajahayo ee la xidhiidha khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka oo ka biyo diidan ansixinta xubnaha komishanka iyo mudo kordhinta labada Gole ee qaranka ee mar kale loo sameeyay.

Dallada SSE waxay maanta wanaag u arki lahayd in la sameeyo mudo kordhin ay heshiis ku wada yihiin saddexda Xisbi ee ku tartamaya saaxada siyaasadda Somaliland iyo xukuumadda oo gadh-wadeen ka ah. Waxa Golaha Guurtidu ay ku dhawaaqeen 24kii Noofambar 2019 mudo-kordhin aan heshiis lagu aheyn, oo lagala tashan xisbiyada. Sidoo kale Dalladu waxay dareensantahay xataa haddii loo baahday in korodh la sameeyo in aanay khasab aheyn in la kordhiyo labo ilaa saddex sano oo ku kala aadan ka Golaha Guurtida iyo ka Golaha Wakiilada.

Dallada SSE waxay sidoo kale dareensantahay in aanay jirin duruufo adag oo Golayaasha Qaranka ku qasabaya inay isku kordhiyaan muddooyinkan intaa le’eg, maaadaama aanay jirin, tusaale ahaan, duruufaha adag1 ee Distoorka Qaranku jideeyeey kordinta lagama maarmaanka ka ah ee muddo-xileedka ee Golaha Wakiilada. Jiritaanka duruufahaasna waa in, sida uu dhigayo Qod. 42(3) ee Distoorku, Xukuumadu u soo jeediysaa Guurtida .

Golaha wakiilada waxayay kuraasta ku fadhiyaan tan iyo sannaadkii 2005. Golaha Guurtiduna waxay kuraasta ku fadhiyeen tan tyo sanadkii 1997 hadaba ealladu iyada oo xurmo u haysa Golayaasha Qaranka siiba ka Xukuumadda ayaa haddana waxa noo muuqata in la sameeyay muddo kordhin mar kale wax u dhimaya hannaanka dimuqraadiyadeed ee aynu ku faano.

Dallada SSE waxa kale oo ay baaqan ay cod dheer ku muujinaysaa in aan xadhiga lagula degdegin madaxda asxaabta Qaranka loona diidin in ay shirar yar ama waaweynba ku yeeshaan xarumadooda, waana in la xushmmeeya xisbiyada madaxdooda iyo xafiisyadooda. banaanbaxyo salmi ah oo loo maro habka xeerarka Somaliland .

Waxaanu kale oo aanu ugu baaqeynaa xukuumada ,labada gole iyo xisbiyada qaranka in ay la yimaadaan isutanaasul isla markaana la furo wada-haddal dhab ah oo daacad laga wadayahay si is-afgarad buuxa looga gaadho muranka iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee halista ku ah qaranimada somaliland sidoo kalana werwerka iyo jaahwareerka ku ridey shacabka Somaliland iyada oo la dhowrayo wadashaqeynta iyo isku duubnida Qaeranka,

Ugu dabeyn, waxaanu Golaha xukuumadda Somaliland u soo jeedineynaa inay ka shaqeyso sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeynta ay la leedahay Asxaabta Qaranka oo lagala tashado masiirka doorashooyinka dalka iyo muddo la qabanyo doorashooyinka sanadka 2020 oo markaas dib loogu celiyo Guurtida in dib ee eegan go’aankoodan muddo kordhint Somaliland.