Farta Soomalida, Caawa markaa arkay qoraalo lagu xusayo ama lagaga hadlayo qoristii farta Soomaaliga ,waxaan soo xusuustay ,Aabihii farta Somaaliga Muse X.Ismaaciil Galaal oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee qora farsoomaaliyeed,iyo Fartiii Cisbaniya ee Cismaan Kenadiid.Muuse Galaal fartii carabiga raacsanayd ee uu bilaabay kontomaadkii may guulaysan,waxaanu ku sameeyey in uu u bedelo latin,taana waxaa is hortaagey dadkii sida aantariikhda ku hayo Reer Burao ayaba ugu badnaa dadka ka horyimi ee yidhi latin waa ladiin waxaa kale oo jirtey farta Cismaniya ee Cismaan Yusuf keenadiid,,kadib waxaa ku soo biiray,the gadabarsi alphabet, kaddare alphabet,farta hore ee muuse bedeley waxaa la odhan jirey wadaad’s Alphabet,hadaba gudigii Afsomaliga loo xulay ee Siyaad Bare ka horeeysey kuweebay ahayeen ee lahjadaha loo ddortay iyo in ay far heshiis lagu yahay keenaan waa kuwan:- 1) Muse Xaji Ismaciil Galaal Gudoomiye 2) Shir Jaamac Gudoomiye ku xigeen. 3) Xuseen sh. Axmed xoghayn. 4) Ali Sh. Abdillahi Qutbi isaguna xoghayn labaad. 5) Abukar Foodcade xubin. 6) Addow sh.Cali Xubin. gudiyadiii la sameeyey 1961 kii 1965kii,1972kii dhamaan,waxaa gudoomiye ka ahaa, Muse Galaal,qoraalada Muse ilaa 1950 waxaad ka helaysaa (British Museum,Afsoomaliga ka hor wuxuu qoray ,bugaag badan oo afka qalaad ku qoran sida English, waxaa ka mid ah bugaagtaa (Stars,seasons,weather in Somali pastoral,waxaanay wax wada qori jireen ,prof. B W anarzejewski oo ingiriis ahaa.Macalina ka ahaa Somaliland kontomeeyadii,Af Soomaligana sifiican u yaqaaney waana ninkii Muse u bixiyey( Founding Father of written somali.) Waxaana loo yaqaanay ,prof Guush anarzejewski,anigu waxaan dhegestey prof.Guush oo bbc Afsomali kaga hadlaya ,Muse Gaalaala ka hadlaya koley waxaannfilayaa in ay ahayd 1992 ama 1993,waxaan kale oo dhegeystey ,Siyaad Bare oo ka hadlaya ,Muuse Galaal markii uu dhintay,anigu Xamar baan joogey Aaskiibaan joogey, Siyaad Bare waxa uu yidhi Farta Soomaliga waxaa soo saaray, Muse Galaal ,waxaan akhrisan jirey Xidigtii oktobar ,muddo dhawr (week) ah waxaa lagu qori jirey in uu ahaa qorihii farta Somaliga ee aynu haysano marba heer ay soo martaba ugu horeeyey ee aan marna ka hadhin ilaa 1950 kontonaadkii,ilaa uu ka midha dhaliyey.Waxaan kale oo arkay iyada oo la qorayo, farta Cismaan Yusuf Kenadiid (Cisbaniya),weli Allah hawnaxariistee waxaa qorayey oo i tusay,nin Xaji Muse la odhan jirey oo aanu deris ahayn Burco,waanan weydiiyey waxa uu ii sheegay in ay dad badan ku barteen,qoraalo ku kaydsanjireen ,meeshuna ahayd itobiya uu markaa joogey. Marka aan u soo noqdo wakhtigii Kacaanka iyo farta Somaliga door intee le-eg ayuu kulaha,Maxamed Siyaad Bare,door mihiim ah ayuu kulahaa,waxaanay lahayeen fulintii,sababtoo ah dawladii ka horeeyey way fulin kariwayeen,waayo? nin waliba waxa uu doonayey ,in farta uu wataa socoto,beryihii dambe farihii waysii bateen,waxaana la sheegaa in ay gaadheen 21 farood,waxaase golayimi 18 farood sida la sheego,raga gudiga laga dhigay markii dambe waxay u badnayeen ragii faraha kala watey,waxaa laqay latinka ee hore ay u soo hagaajiyeen gudiga aan korkusoo xusay,ee Muse Galaal hogaaminayey ,hada waa gudigii 1961 gudigaa waxaa aad uga soo horjeedey ,Dadka raacsan Cisbaniyada,Ugu dambayntii waxaa socodsiiyey oo yidhi farta la qaatay ,wataa wax ka daba hadlikarana ma jiraan Kacaankii Siyaad Bare,Diyaarado ayaa la kiciyey oo qoraalkii ku daadiyey Magaalada muqdisho,loolankii fartu halkaa ayuu ku dhamaaday.Muse Galaal waxaa lagu xusay Dugsi Sare oo Xamar ka dhisan soosaarista Afka Somaliga awgii,wakhtigaa laga hadlayey ee jaraadka aanu akhrino lagusoo qorayey in uu Muuse ahaa Soosarihii ugu horeeyey ee farta Somaliga cid ku haysatey mayjirin,Siyaad Barena waa noolaa.Markaa marka laga hadlayo Afsomaliga rag badan ayaa dedaaley gudiga Far somaliga nin waliba waxbuu ku darsaday ,marka miyaanay fiicnayn marka laga hadlayo,In taariikhdu siday ahayd looga waramo,ama la xuso ragii ugu waxqabadka weynaa dhulka Somalidu degto ee fartaas qoray ,ninwalba inbuu ku lahaa ,ragbaa odhanaya ,Siyaad Bare ayaa soo saaray,ma soo saarin ee wuu hirgeliyey fulinteeda ayuu lahaa. ALllah M a h a d l e h. Waa=Cumar Xaashi Saalax (Gadheere)