Jimce.19.Oct.2012. Denmark (Waxsansheegnews) Waa Barnaamijkii La Magac Baxay Wacyi Galinta Shacabka Somaliyeed, Iyo Qaybtii Labaad, Kadib Markii Ay Bulsha Waynta Somaliyeeed Ka Soo Gudubtay 21 labaatan Sanadood  oo Dhib Iyo Dagaal Dulmi Iyo Dibin daabyo Ay Ku Dhex Jireen, Bulshadan Oo Isugu Jirtay Mid Jilicsan Oo aan Awoodin Dhibka Iyada Oo Ay Ku Dhex Jireen Dadka La Yidhaahdo Biri Magaydo Oo Ah Maatada Iyo dadka Jilicsan Ama Bukaan ha Ahaado Ama Ha Gaboobee,

Hadab Anigoo Tix Raacaya Todobaadkii Hore Iyo Xasiloonida Siday Ku Keenytay Somaliland Oo ahay Isa Saamaxaad Iyo Isu Dul Qaadasho Samir Ilaahayna Ugu Gar gaaray, Waxaan Xusaya Horta Inay Mudan Tahay Ku Dayasho Somaliland, Waayo wanaaga waa layskaga daydaa,

Mida kale hadaan U Soo Laabto Shacabka Somaliyeed Aan Tilmaanay Inaanay Dhib Ku Yarayn hase Ahaatee Maanta ay U dhalatay Dawlad Lagu faraxsanyahay Oo ka Dhalatay Dalka Gudihiisa  Lagan Baxay Ku Meel Gaadhkii Maansha Allahu Hadab Maxaa La gudboon Dawlada Cusub???? Waayo Shacabka maanta Ku Sugan Dalka Gudihiisa Iyo Kuwa Daltabyadu hayso Ee Qurbaha Ku Akaakoobay Labadaba waxay U baahan Yihiin wacyi galin Waayo Waxa Soo gaadhay Damge Ah (Mental and physical health)

Hadaba hadaanu Nahay Bahda Wacyi Galinta Shacabka Somaliyeed Oo Uu naga Mid yahay wariye Xasan Rasta waxaanu U Aragnaa In Loo Baahnayahay In la Sameeyo Gudiyo Isugu Jira Culimo Awdiin  Odayaal Aqoon Yahano Abwaaniin Diin Yaqaana Oo Dhaqan Yaqaana Dhalin Yaro Ka Faaiidaysanaysa Waaya Aragnimada Gudida Gudidan Oo ka Hawl Gali Doonta Goobo Kala Duwan

1.Qodobka Koobaa) Bilaaba Dib U Heshiisiin Wacadi Iyo Alle Ka cabsi Ku Jiro Oo U Kala baxa Deegaanada Miyi Iyo Magaalaba  Horena U sii qaata sahaydooda  Iyadoo Lagu baraarujinaayo Umada Cabsida Ilaahay Isa saamaxaada Oo Ay If Iyo Aakhiraba Ku Helayan wanaag Iyo Barwaaqo Maadaam Ay dadku wada Yihiin  Qaraabo Iyo Qoys wada Dhashay, Oo aanay kala Maarmayn Shaydaana Isku Diray,

2.Qodobka Labaad) dadka ay Soo gaadhay Dhaawaca Jidhka ama ka maskaxdu Inay U Gur Madaan Dhakhaatiirta Iyo Culimada Somaliyeed  Loona kala saaro Laba Qaybood Guud Ahaana Lagula daalo Quraanka Iyo Cibadada Ilaahay Ayaa wax Daaweeya Iclaajyo Ta labaad Kuwa U baahan daawaynta Dhakhaatiirta waa In Loo Hagar baxaa Oo Ay Helaan xanaano Iyo Ilaalo Ilaahayna haydinku Guuleeyo Aamiin

 

3. Qodobaka sadexaad) Bulshadan Iyo Shacabka Somaliyeed waxay U baahanyihiin In Ay dawladu U Furto Meelo Ama Iskuulo  Lagu Tirtiraaya qabyaalada  Laguna Baranaayo Nolasha walaaltinnimada Leh Waayo Dadka Ku sugan Dalka Gudihiisa waxa Daashaday Dagaalo Iyo Dulmi Waxaanay ka Lumeen Dariiqii Nolasha Iyo wada Jirka, Ilaahayna Talada hala saarto hana, Han la Ogaado

Dood Cuilmiyeedku Waa Qayb Daawada kamida, Todobaadkan halkaas haynoo Joogto ,

 

Denmark Waxsansheegnews