Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow,

oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidan uu leeyahay ay utalaabeen dhinaca maamul goboleedka Puntland.

 

Boqorka oo la hadlay Horn Cable Tv  ayaa  sheegay in aanay jirin ciidan iyo gaadiid dagaal oo uu leeyahay oo u tallaabay dhinaca Puntland ama bariga gobolka Sanaag.

Boqorka, ayaa sheegay in aanu marnaba ku dhaqaaqayn fal ka dhan ah Qaranimada Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Tiimbaro oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in ciidamo ka amar qaata Boqor Buurmadow u gudbeen deegaan u dhow magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag.