Dabkan oo ahaa mid khasaare ballaaran u geystay dad danyar ah ayaa maanta ka kacay xero ku taala xaafadda Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoysaska guryahan gubtay degenaa dabka ayaa ka dhashay Koronto, taasoo keentay in ay basbellaan tiro badan oo guryo ah iyo agabkii ku jiray oo ay lahaayeen qoysas markii horeba iska danyar ahaa.
Dadka guryahan ay ka bur bureen oo u badnaa dad barkacayaal ah ayaa dalbanaya in laga caawiyo sidii ay mar kale dib ugu yagleeli lahaayeen nolashadooda, iyaga oo markii horeba iska ahaa dad xoogood ku nool ah.
Magaalada Muqdisho waayadii ugu danbeeyay waxaa ku badnaa dabka oo khasaare ballaaran oo kala duwan sababay, laakiin lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay dabka ugu danbeeyay ee ka kacay xerada ay degenaayeen qoysaska barakacayaasha ah.